Somaliland: “Horta Anigu Fiise Maan Doonan, Shir Maraykanka La Igu Casuumayna Waaban Diiday Oo Anigaaba Qoray Warqad Aan Ku Codsaday Inaan Tegi Karin, Sababtuna Waxa Weeye…..”

0
652

“Anigu Waan Haleeli Kari Waayey Oo Laba Hawlood Waan Isku Kari Waayey, Laakiin Mas’uuliyiin Uu Ka Mid Yahay Wasiirka Warfaafinta Iyo Rag Oo Xisbiga Ah Ayaa Tegi Doona”

Muuse Biixi Cabdi Oo Sababeeyey Shir Lagu Casuumay Oo Uu Ka Cudur-daartay Iyo Tibaaxo Weriyey In Uu Dal-ku-gal [Visa] Maraykan Ah Loo Diiday

Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si cad u beeniyey warar aanay waxba ka jirin oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahintu oo sheegayey in loo diiday dal-ku-galka (visa) Maraykanka oo guddoomiyuhu dalbaday.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aannu marnaba dalbadan fiise, balse taa beddelkeeda isagu uu ka cudur-daartayba shir lagu casuumay oo ka dhacayey Maraykanka, isla markaana safarkiisii Itoobiya iyo Kenya aannu wax xidhiidh ah la lahayn arrintaasi.

Md. Muuse Biixi oo mar uu warbaahinta kula hadlayey xarunta Hay’adda Shaqaalaha dawladda oo uu iska diiwaangeliyey maanta la waydiiyey su’aal la xidhiidha waxa ka jira wararka sheegay in fiise loo diiday, waxa isagoo arrintaa ka jawaabaya uu yidhi, “Horta anigu fiise maan doonan, shir la igu casuumayna Maraykanka waaban diiday, sababtaan u tagiwaayeyna waxa weeye hawlahayga halkan yaal baa ka badan, ninka xisbi hoggaaminaya ee dalkiisa abaaro ka jireen ee tan diiwaangelintu ka jirto ee hawsha badan u baahan anigu waan haleelikariwaayey oo labadaa hawlood waan isku kariwaayey, markaa anigaaba codsaday inaan iman karayn oo warqad u qoray.”

Waxa kaloo uu intaa ku daray in masuuliyiin xukuumadda iyo saraakiil xisbiga ka tirsani dhawaan safar ugu bixi doonaan Maraykanka, waxaannu ugu baaqay warbaahinta wararka noocaas ah baahisay inay bulshada runta u baahiyaan, “Masuuliyiin kale ayaa tagi doona oo uu ka mid yahay Wasiirka Warfaafinta Cismaan Caddaani iyo rag badan oo kale oo xisbiga ah. Markaa annagu xisbi ahaan fiise maanu doonan, jaraa’idka qorayna waxa laga rabaa inay dadka wax run ah u sheegaan oo wax caddaan ah hayaan xataa tibaaxba ha soo bandhigaan, haddii kale waa niman waawayn oo dadka wax u qorayee yaanay been sheegin, iyagana waa ku ceebe,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Muuse Biixi Cabdi.