Somaliland: Garoon Kubadeed Oo Hargeysa Laga Dhagax Dhigay Iyo Dhaliilo Loo Jeediyey Wasiirro Madasha ka Dabbaal Joogteeyey

0
744

waxa dhinaca waqooyi ee magaalada Hargeysa laga dhagax dhigay garoon cusub oo kubadda cagta lagu ciyaari doono, kaas oo lagu magacaabo SHULAAC STADIUM.

Munaasibad kooban oo loo qabtay dhagax dhigga garoonkaas oo lagu qabtay goobta garoonka laga hirgelin doono, ayaa waxa ka qaybgalay xildhibaanno, dhallinyaro, qaar kamid ah dadweynaha xaafaddaas degen, ciyaartoy hore oo caasimadda Hargeysa ka ciyaari jirey iyo waliba marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Sidoo kale waxa iyaguna munaasibaddaas ka hadlay qaar kamid ah qoyska reer Shulaac oo iyagu dhulka garoonkan laga dhisi doono ku deeqay, waxana ay ay caddeeyeen inay  si rasmi ah ugu hibeeyeen dhulkaas da’yarta soo kacaysa, waxana ay xukuumadda iyo dadka kale ee hantida lehba ugu baaqeen inay ka qayb qaataan dhismihiisa.

Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay mulkiilaha  dhulka garoonka laga hirgelin doono ku deeqay  Md Maxamuud Shulaac Cilmi, waxana uu si cad u sheegay inuu dhulkiisa u ugu deeqay in da’yarta soo koraysa looga dhiso garoon, isagoo codsaday in si buuxda loo dhamaystiro garoonkaas.

Eng. Nimcaan Cabdi Cali oo kamid ah dhallinyarada dhulka garoonkaas gacanta ku hays, isla-markaana isku hawlay sidii dhismihiisa loo hirgelin lahaa, ayaa halkaas ka hadlay, waxana uu u mahadnaqay cidkasta oo dhulkaas gacan ka geysatay,

“Aada bay u mahadsan yihiin dadka dhulkan ku deeqay, sida runta ahna muddo dheer buu soo jiitamayey oo aanu kasoo wada shaqaynaynay dawladda Hoose iyo wasaaradda Maaliyaddu, waxana halkii tahriibta lagu yarayn lahaa.”ayuu yidhi nimcaan Cabdi Cali.

Eng. Nimcaan oo hadalkiisa sii wata, ayaa si weyn u dhaliilay xubno wasiirro ah oo ka muquurtay inay dhallinyarada u dhagax dhigaan garoonkaas, waxana uu taas ku tilmaamay arrin ayaandarro ah,“Waxa nasiib darro ah in maanta wasiirro uu kamid yahay wasiirku ciyaaruhu uu halkaas nagaga dhaqaaqo isagoo aan garoonkii noo dhagax dhigin, waxana aanu ayaandarro u aragnaa in dad badan oo dawladda katirsani inay horumarka diyaar u ahayn oo aanay wakhtigoodii huraynin, dhallinyarada halkan joogtaana in wax loo qabtay u baahan yihiin.”

ayuu yidhi Nimcaan. Eng. Nimcaan oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu meesha ka baxay doorkii wasaaradda Ciyaaruhu, isagoo farriin u diray madaxweynaha Somaliland, waxana uu yidhi,

“Wasaaraddii ciyaaruhu way seexatay, doorkoodiina meesha wuu ka baxay, maantana waxa ay diideen inay garoonka dhagax dhigaan lacagta loo hayo ee diyaarka loo yahay, madaxweynahana waxanu  u sheegaynaa inuu nimanka wasaaradda ciyaaraha uu la hadlo, haddii kalena tahriibku halkiisuu kasii soconayaa. Dalkuna waxa uu u baahan yahay cid wax qabanaysa, dadka wax qabanayana lama rabo inay horumar sameeyaan, Hargeysa-na waa caasimaddii garoomo badan bay u baahan tahay.”

Xildhibaan Xasan Xawaale  Caynaan oo katirsan mudanayaasha golaha wakiillada oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu mahadnaqay dhallinyarada garoonkaas gacanta ku haysa,  waxana uu tilmaamay in wasiirro munaasibadda ka yaacay ceeb ka qaateen madashaas,

“waxa aan hambalyeynayaa dhallinyarada garoonka gacanta ku haysa, waxana aan aaminsanahay inay wax badan qabteen, waana in gacmaha la isu qabsadaa sidii garoonkan loo dhamaystiri lahaa. Waxan si adag udhaleecaynayaa wasiirro halkan joogay oo diiday inay dhagax dhigaan, wasiirradaasna waxan leeyahay waad ceebaysan tihiin, dhallinyaradii idin soo sharaftay ee idin soo casuuntayna waad niyad jabiseen.ayuu yidhi Xasan Cawaale Caynaan. Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in xubnaha wasiirrada ah ee halkaas ka dareeray aanay u qalmin xilka ay qaranka u hayaan, waxana uu yidhi,

“Wasiiradii halkan ka yaacay waxan leeyahay uma qalantaan inaad wasiirro ahaataan, adaxweynahana waxan leeyahay dhallinyaradii la dhiirrigelinayey ee garoonka loo dhisayey ayey niyadda kaga ciyaareen wasiiradaasi.” Munaasibaddii lagu dhagax dhigayey garoonkan, ayaa waxa si wadar ahaanna uga dareeray ilaa lix wasiirro, wasiir-ku-xigeenno iyo wasiiru-dawlayaal iskugu jira, kuwaas oo quudhi waayey baaxadda dhulkaas, isla-markaana dalbaday inuu ku haboonaa inuu dhulkaasi gacanta xukuumadda soo galo.

G1 G3 G4 G5