Somalia: War Deg Deg Ah:-Gudoomiyihii Maxkamada Sare Ee Somaliya Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Masuul Dhawaan Iska Casilay Xukumadda Somaliland Oo Loo Magacaabay+Magaca Masuulka

0
768

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu maanta uu xilka ka xayuubiyay Gudoomiyihii Maxkamadda Sare Dalka, Abukaate Caydiid C/laahi Ilka Xanaf

Madaxweynaha, ayaa Digreeto uu soo saaray xilka kaga qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare, waxaana uu ku soo bedelay Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan, oo ah Garyaqaankii Guud ee Somaliland.

Sababaha uu Madaxweynaha uu xilka kaga qaaday Caydiid C/laahi Ilka Xanaf, ayaa waxaa uu ku sheegay iyadoo marka 1-aad ay da’diisu ka wayn tahay 61 sano, isla-markaana uu jiro 85 sano. Musuq maasuq baahsan, is daba marin iyo cabasho badan oo dadka Somaliyeed ay ka kayneen kiisaskii uu xukunadoodu qaaday.

La Taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Sharciga, Abukaate Cumar Dhagey, oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho, ayaa Saxaafadda u akhriyay Digreetada xilka looga qaaday Ilka Xanaf.