Siyaasigga Cali-Gurray Oo Daacad-Nimmo Iyo Xilkas-Nimmo Masuuliyadeed Ku Majiirtay Taliyihii Hore Ee Badda Generaal Xiiranne.

0
714

Cali Yuusuf (Cali-Gurray),ayaa sheegay inuu aaminsan-yahay in Generaal Xiiranne oo ahaa taliyihii hore ee Ciidamadda Badda oo dhawaan Madaxweyne SIILAANYO Xilka ka qaaday uu yahay uu yahay Sarkaal ugu muddan Saraakiishii Xilalka kasoo qabtay Ciidamadda Badda Somaliland,

waxaana uu intaas raaciyay inuu kagaga kalsooni badan yahay Jananadda Militarigga iyo Booliska ee Somaliland. Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu Xalay ku baahiyay Bartiisa xidhiidhka Bulshadda ee

Facebook-ga,waxaana uu u dhignaa sida tan:

“Hadii aan idhaa General Xiirane waa sarkaalka ugu mudan dhamaan saraskiisha xilalka ugu saraysa ka soo qabatay Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland been maaha ee wuu u qalmaa waanu mutaystay.

Mudadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta waynu ognahay kaalintii uu ka soo qaatay dhismaha iyo kor u qaadista heerka tayada Ciidanka Asluubta. Wuxu isku muujiyay daacadnimo,karti iyo dadaal, hogaamin wanaag, aqoon iyo xilkasnimo waana loo ogyahay.

Kuwa Isaaq ee Jananada ka ah Bilayska iyo Milatarigaba anigu isaga ayaan ka hormarinayaa isaga ayaanan kaga kalsoonahay”.