Shir U Dhaxeeyey Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Oo Lagu Soo Gabagabeeyey Degmada Farawayne Ee Xuduudka Labada Dawladood Iyo Ujeedada Shirka

0
706

Waxaa Degmada Faraweyne ee Xuduudka Somailand iyo Ethiopia  lagu soo Gaba-gabeeyey shir u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia kaasi oo u jeedadiisu la xidhiidhay sidii ay labada Dal ee Somaliland iyo Ethiopia ay iskaga kaashan lahaayeen Dhinaca Amniga isla markaana si wada jira loogaga Hortagi lahaa Cid kasta lidku ah Nabadgalyada labada Dowladood.

Shirkan ayaa noqonaya shirkii 1aad ee ay yeeshaan Afarta Degmo ee Gudiyadooda Nabadgalyadu  ee Heer Degmo,Heer Qabalee iyo Heer Tuulo ee Somaliland iyo Ethiopia  .