Gabadh Soomaali Ah Oo Isku Gudbtey Jasiiradda Nauru Ee Badweynta Baasifikada

0
754

Gabadh Soomaaliyeed oo magaceeda loo soo gaabiyey Hodan oo 21 sano jir ah ayaa isku gubtey jasiiradda Nauru ee Badweynta Baasifikada, halkaas oo xero qaxooti Australiya uga sameysey kadib markii ay heshiis kula gashey maamulka Jasiiraddaas.

 

Gabadha oo xalaadeeda nololeed khatar ku jirto ayaa helikobter u qaadey Cisbitaal ku yaala dalka Ustsraaliya waxaana hadda lagu daweynayaa magaalada Brisbane.

Hodan iyo dad kale oo qaxooti ah oo magangelyo weydiistey Austraaliya ayaa lagu khasbey in ay ku nooladaan xero qaxooti oo ku taala Jasiiradda Nauru, oo aanay doonayn.

Dalka Ustraaliya ayaa xeerar adag u dejiyey dadka magangelyada doonaya waxaana ay lacag ku siiyeen dalal kale oo nolosha ka jirtaa adag tahay in ay ka hayaan qaxootiga halkaas oo ay kaga jiraan nolol xabsi ah oo kale.

Sidaan oo kale ayaa nin u dhashey dalka Iran isugu gubey xerada qaxootiga ee uu ku jirey kaas oo markii danbe u geeriyoodey dhaawicii dabka ka soo gaarey.