Dawladda Kenya Oo Maalmo Ka Dib Kulankii Wasiirul Khaarajiga Kenya Iyo Wefti Somaliland Ah Ku Dhawaaqday Inay Xafiis Hoos Taga Muqdisho Ka Furanayso Hargeysa

0
683

Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay qunsuliyado hoos taga safaaradeeda Muqdisho ee dalka Somaliya  sanadkan ka furanayso magaalada Hargeysa ee Somaliland iyo magaalooyin kale oo Somaliya ah.

Danjiraha Kenya u jooga Somaliya, Lucas Tumbo ayaa sheegay inay qunsuliyado ka furanayaan Hargeysa, Garowe, Baydhabo iyo Kismaayo, isagoo xusay in xafiisyadani adeegyo siin doonaan dadka Kenyanka ah ee ku nool magaalooyinkan.

Danjiraha ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ku siiyay wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya, waxaanu carrabka ku dhuftay inay diiwaan-geliyeen inay Somaliya ku nool yihiin 20,000 oo qof oo Kenyan ah. “Intii aanu halkan [Somaliya] joognay waxaanu diiwaangelin ku samaynay dhammaan Kenyahanka jooga meel ayaanay hadda noogu kaydsanyihiin. Ilaa hadda waxaanu diiwaangelinay 20,000 oo u dhashay Kenya.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay inay hadda samaynayaan website ay ku gurayaan warbixintooda.

Wuxuu danjiraha Kenya isagoo ka hadlaya xafiisyada ay furanayaan uu yidhi, “Xafiisyo ayaanu marka la gaadho bisha Julay ka furanaynaa magaalooyinka Hargeysa, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe. Xafiisyadani waxay adeeg caawimo ah siinaan doonaan Kenyanka ku nool gobaladaas.”

Wuxuu intaas raaciyay in safaaradda ay Kenya ku leedahay Muqdisho loo samaynayo dhisme balaadhan oo uu sheegay danjiruhu inuu hadda gabo-gabo ku dhowyahay.

Hadalkan ka soo yeedhay safiirka Kenya ayaa ah mid ay Kenya ku doonayso in xafiis qunsuliyadeed ay ka furato Hargeysa, Somaliland, kaas oo hoos tagi doono safaaradooda Muqdisho islamarkaan la mid ah xafiisyada ay ka furanayaan magaalooyinka kale ee Baydhabo, Garowe iyo Kismaayo oo iyagu ah dalka Somaliya.

Geesta kale wuxuu hadalkan diblomaasiga Kenya ku soo beegmayaa iyadoo uu Sabtidii wasiirka arrimaha dibadda  Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee KULMIYE ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Kenya iyo wasiirka khaarajiga Somaliland iyo hoggaamiyaha iyo murashaxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ay isla garteen in la xoojiyo xidhiidhka Somaliland iyo Kenya islamarkaana ay dawladda Kenya xafiis ka furato magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.