Baanka Premier Bank Oo Adeegyo Cusub Ku Soo Kordhiyay Somaliland

0
775

Baanka caalamiga ah ee Premier Banka, qaybtiisa Somaliland ayaa wuxuu soo bandhigay adeeg casriga ah ee ATM, ee uu qofku lacagtiisa si yar oo aad fudud kula bixi karo meel walba oo uu joogo.

Munaasibadii lagu daah furayey adeegan oo shalay lagu qabtay Amasadoor Hotel ayaa waxa ka soo qayb galay Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Premier Bank, Agaasimaha Baanka, Masuuliyiin, Qurba joog iyo  marti sharaf, waxaana Munaasibadaas oo si weyn loo soo agaasimay  ugu  horeyn  ka hadlay Guddoomiyaha Premier Bank Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, waxaanu faah faahin ka bixiyey adeega ATM iyo faa’iidadu leeyahay, waxaanu sidoo kale sheegay in Baankoodu maalgalin iyo shaqo abuur dalka ku soo kordhin doono, isaga oo arimahan ka hadlayana wuxuu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Premier Bank waa Baan Islaami ah oo ka diiwaan gashan ruqsadna ka haysta Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Premier Bank waxa uu maanta (shalay), oo taariikhdu tahay 03/05/2016 si rasmiya ugu daah furay Bulshada reer Somaliland markii ugu horeeysay adeegyada Master Card iyo Visa, isaga oo keenay mishiinka lacagta lagula baxo ee loo yaqaano Automated Teller Machine “ATM” kaas oo la jaanqadaya siyaasadda baanka dhexe ee Somaliland, oo ku salaysan in la xoojiyo isticmaalka habab lacag bixineed, oo casri ah oo kaadhadhka caalamiga ahina ka mid yihiin.

Adeega nooca ahina waxa uu u sahli doonaa Qurba joogta ku nool dalka dibadiisa iyo socotadata ajaanibka ah inay si fudud u heli karaan lacagahooda ugu jira baananka caalamiga ah marka ay socdaal ku yimadaan Somaliland.”

Dr. Cabdiweli, wuxuu intaas raaciyay “Sidoo kale waxa uu door lixaad leh ka qaadan doonaa inay ardaydu iyagoo dalkooda jooga Jaamacaddo Caalami ah wax ka baran karaan, dadweynaha kalena ay si fudud ugu adeegan karaan suuqyada caalamiga ah ee Internetka”.

Guddoomiyaha Baanka Permier Bank ee Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi  Suufi Jibriil mar uu ka hadlaayey maalgalin ay sameeyn doonaan ayaa yidhi “Baanku waxa uu bixin doonaa maalgalin maaliyaddeed, oo ay ka faa’iidaysan doonaan dadweynaha, ganacsiyada yar yar kuwa waaweyn iyo hay’addaha kala duwan ee Somaliland ka hawgala, waxa uu sidoo kale hirgelin doonaa adeegyo casri ah oo kaalin lixaad leh ka qaadan doonaa shaqo abuurka, wax soo saarka kobca shaqo abuurka, wax soo saarka, koboca dhaqaalaha iyo horumarka dalka guud ahaan.

Adeega ATM-ka waxa hadda si toos ah looga heli karaa Amasadoor Hotel iyadoo maalmaha soo socda la hawl geli doono ATM-yo oo la dhigo doono goobo ay si fudu uga heli karaan dadweynuhu.

Premeir Bank waxa uu sii wadi doonaa dadaalkiisa uu dalka iyo dadka Somaliland ugu keenayo hanaan maaliyadeed oo casri ah, wax tarna u leh Bulshada”.

Dhanka kale waxa isna munaasibadaas ka hadlay Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Xasan Aadan, waxaanu sheegay in Baanka dhexe uu ruqsadii siiyey Baanka Premeir Banka, bishii kowaad ee sannadkan, waxaanu sheegay inuu ugu mahadnaqayo adeegyadan casriga ah ee uu soo kordhiyey, waxaanu tilmaamay in mar kasta Baanka dhexe ee Somaliland uu soo dhaweeynayo cid walba oo dalka horumar ku soo kordhinaysa,

Dhinaca kale Yaasiin Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil oo isagu ah muwaadin reer Somaliland ah qurba joog ah, dalka Kanadana degan, ayaa isagu iyadoo madashii la joogo wuxuu  kaadhkiisa ku tijaabiyey Mishankan, waxaanu si yar oo aad fudud kula baxay lacagtii uu u baahnaa.