Somaliland: War Deg-Deg Ah Maydka Qof Aan Wali La Aqoonsan Oo Laga Helay Deegaano U Dhaw Magaalada Laascaanood Iyo Maamulka Gobolka Oo Ka Hadlay+Sawiro

0
776

Wararka naga soo gaadhay magaalada laascanood ayaa sheegaya in Maydka qof aan wali la aqoonsan isla markan geeriyooday muddo badan ka hor laga helay baadiyaha deegaanka cajid oo qiyaas ahaan 15 KM u jirta magaalada laascaanood.

Waxaana maydka qofkan aan wali la aqoonsan isla markaana  la sheegay inuu  u eeg yahay nin qaba xanuunka dhimirka usoo sheegay ciidamada booliska magaalada laascaanood iyo maamulka gobolka sool dad u dhaw deegaanka maydkani laga helay.

Waxaana sida wararku nagu soo gaadhayaan markiiba goobtaasi gaadhay taliyaha qaybta booliska gobolka sool,xeer ilaaliyaha maxkamada degmada laascanood iyo xoghayaha dawlada hoose degmada laascaanood.

Waxaana masuuliyiintani ay dhamantood shegeen inaanu maydkani ahayn mid waxyeelo loo gaystay ama ay cid kale dishay, waxaana y maamulkii goobtaasi gaadhay ayaa go’aan ku gaadheen inay isla goobtaasi ay ku aaasaan maydka.

Masuuliyiintani ayaa iyagu maydka qofkan aan la aqoonsan ku aasay goob aan ka fogayn meesha laga helay.

1-5-740x379 2-2-740x385 4-740x382 5-740x377a