Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Saxeexay Heshiiska Itoobiya Ee Isticmaalka Dekedda Berbera Iyo Maareeye Xoorxoor Oo Ka Hadlay

0
768

Maareeyaha guud ee dekeda caalamiga ah ee Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor), ayaa ka hadlay heshiiska Somaliland iyo itoobiya ee isticmaalka dekeda Berbera iyo waliba digreetadda Madaxweynaha Somaliland ku saxeexay heshiiska iyo ganacsiga labadda dawladood ku dhexmaraya marsadda dekedda Berbera.

Maareeye Cali Xoorxoor oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Heshiiskaasi waa heshiis ganacsi, wuxuu qeexaya oo uu qorayaa badeecadda Itoobiya, wareegtadii Madaxweynaha Somaliland uu ku ogolaaday in lagu dhaqangaliyo hay’addaha dawladda uu ku amraayay in la dhaqan galiyo heshiiska.” Ayuu yidhi Cali Xoorxoor

Maareeyaha dekeda Berbera sidoo kale wuxuu ka hadlay dhamaadka dhismaha balaadhinta barxadda Wajaalle “Waa dhaw iyo soddon kun oo isku weer, arrinkaasi aad iyo aad buu wax uga tarayaa shaqadda dekedda, markabka markabka xiga wuxuu soo gali doonna saadabe, laba markab bay qaadaysa ama saddex markab.”

Sidoo kale, Gudoomiyaha gobolka Saaxiil Jaamac Yuusuf Axmed ayaa maareeyaha dekeda Berbera ku tilmaamay shaqsi hadh iyo habeen ku foolidan casriyaynta dekeda“Si wayn bay farxad noogu tahay, dekedan aad arkaysan waa deked aad u wayn, waxaan aad ugu mahadnaqaya maareeya dekeda oo hadh iyo habeen baa ku dedaalaya sidii uu dekeda berbera uga dhigi lahaa sida dekeddaha geeska afrika ku yaalla.” Ayuu yidhi Jaamac Yuusuf

Dhinaca kale, Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose Cabdikariim Aadan Cadde ayaa sheegay in madaxda gobolku muujiyeen cududooda shaqo”Qaybtan furitaanka ee lagu kordhiyay dekeda berbera, laba sababoodba farxad bay inoogu tahay, farxadda koowad waxa weeyaan in madaxda gobolku muujiyeen cududooda wax qabad iyo horumarineed.”