Somaliland: Guddida Diwaan-galinta Ururada Siyaasada Oo Digniin U Diray Labada Garab Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee UCID.

0
793

Guddida diwaangalinta ururada siyaasiga  ah ee Somaliland  isla markaana  gacanta ku haya dacwad uu Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xussen u Gudbiyey ayaa waxaa ay maanta soo saareen warqad digiin ah oo ku socota labada garab ee xisbiga UCID

Gudida ayaa waxaa  warqadan digiinta  ah ku ogeysiiyeen labada dhinac ee xisbigaasi In ay joojiyaan dacaayadaha ay hawda isku marinayaan inta ay ku guddo jiraan ka garnaqida khilaafka soo kala dhex galay labadaasi garab waxaana warqadu u qorneed sidan :-

Ku: labada garab ee xisbiga UCID ee ay dawcadu ka taalo Gudida D/Galinta

Uj: Amar Toosin Ah.

waxaa laydiin farayaa inta dacwadiina ay gudidu go,aan ka  gaadheyso in aad joojisaan dacaayadaha aad isku marineysaan warbaahinta  ee ku saabsan khilaafkiina iyo in aydaa qaadin wax talaabooyin ah sii buuriinaya khilaafkiina ay gudidu ka garnaqeyso .