Somaliland: Garabka Faysal C. Waraabe Oo Ku Sheegay Musharaxnimada Jamaal Mid Aan Dhamays Ahayn Iyo Cali Guray Oo Beeniyay

0
828

Afhayeenka xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid iyo xoghayaha warfaafinta ee xisbiggaasi, ayaa sheegay in Jamaal Cali Xuseen oo ahaa murashax madaxweyne ee xisbigaa iyo xubnaha taabacsan ay buriyeen xeerar xisbigga u yaallay, isla markaanna waxay sheegeen in heshiisyaddii dhexmaray gudoomiyaha xisbiga Eng Faysal Cali Waraabe iyo murashaxa madaxweyne ee xisbiga Jamaal Cali Xuseen lagu ansixinayay shir golle dhexe oo xisbigaasi uu mustaqbalka yeesho.

Ugu horren xoghayaha xisbigaa Kayse Yuusuf oo halka ka hadlay ayaa sheegay in aanu jirin murashax madaxweyne oo xisbigu leeyay“Waxaan doonaya in aan shacabka reer Somaliland u bayaamiyo halka ay sartu ka qudhuntay ee khilaafka Ucid keentay. Jamaal Cali Xuseen lama diidanna in shir lala galay in la ansixiyay, heshiiskan laleeyay Faysal baa la galay xisbiga oo dhan baa gacanta u taagay oo lix qodob baanu ansixinay, haddaba way qariyaan qodobka lixaad ee u dambeeya, shacbigga reer Somaliland waanu u bayaaminaynaa.’Ayuu yidhi Yuusuf Kayse, waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Qodobka lixaad wuxuu sheegaya ee Jamaal qariyaa ee xubnaha la joogga qariyaan. Heshiiskani wuxuu hirgalayaa marka shirweyne aan caadi ahayn la qabto ama shirweyne caadi ah la qabto oo lagu ansixinayo heshiiska xisbigu soo galay, shirweynihii aanu ku ansixinay heshiiska lama ansixin isagaanna ka gaabiyay waqtigii aanu ugu tallo galay in aanu ansixinno wuu dhoofay oo dalka ayuu ka maqnaa oo laba sanno maanaan arag, oo murashaxnimadiisu waa waxba kama jiraan.”

Sidoo kale, Afhayeenka xisbiga Ucid Maxamed Shabaash ayaa sheegay in Sabce si degdegaha u fashiliyo sirta uu qarinayo“Sabce xeerkan uu leeyahay wax baan buuxiyay xeer u fasaxaya ma jiro, sir aanan ogayn oo xisbigu leeyay ma jirto, waxaan leeyay Sabce hablaha yar yar baa yidhaahda sir baan ka hayaa iyo sir baan ka hayaa yidhaahda sirtad hayso daqiiqadda imika siida’aa.”ayuu yidhi Shabaash

Dhinaca kale, Xoghayaha xidhiidhka goboladda iyo degmooyinka ayaa dhaliilo u soo jeediyay Xuseen Badmaax oo ka tirsan isla xisbiga Ucid“Xuseen Xasan Badmaax waan in wayn oo ka da’weyn Jamaal iyo Faysal baa, waxyaabaha uu warbaahinta ka sheegay waxa ka mid ah wuxuu yidhi Faysal Cali waraabe diin ba ma haysto, dadweynaha reer Somaliland way ogyihiin Faysal wuxuu gallo iyo wuxuu gudo, laakiin qofku marka uu qof diintiisa wax ka sheegayo inuu horta isagu isa-saxo ayaa qurux badan, markii laga yaabay masaajidka laga soo ashkateeyay oo jameeco dhan baa kaligaa kugu soo baxday si ay adiga diintu wax kuugu sheegto.”ayuu yidhi Cabdiqan salaf

Dhinaca kale, Gudoomiyaha saddexaad ee xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay garabka Faysal Cali Waraabe, waxaanu sheegay in murashaxnimadda Madaxweyne iyo Ku-xigeen u baahnayn shirweyne.

Cali guray oo arrintan kaga jawaabay barta bushada ku kulanto ee uu ku leeyahay Facebook ayaa waxaa uu u dhignaa sidan soo socota.“Musharaxnimada jagooyinka madaxwaynaha iyo ku xigeenku uma baahna Shirwayne ee waa hawl uu leeyahay Golaha Dhexe ee UCID. Jamaal waxa doortay Golaha Dhexe ee UCID oo ahaa xubnihii uu dortay Shirwaynaha Xisbigu. Sharciga UCIDna kan ma yahay.

Qodobka 27aad

musharaxiinta madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen. Xarafka 1 aad

Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen waxa dooranaaya Golaha dhexe ee xisbiga.

Xarafka 2aad

Murashaxnimadda Jagooyinka madaxweyne iyo ku xigeenka iyo xubinamadda hogaanka sare ee Xisbigu way kala madax banana yihiin.

Xarafka 3aad

Xubina looma sharaxi karo musharax madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer.

Qodobka 16aad

hawlaha golaha dhexe

Xarafka 9aad ‘ Golaha Dhexe wuxuu ansixinayaa heshiisyadda uu xisbigu la galo xisbi ama cid kale( dhinaca Kale)

Xarafka 10aad

Golaha Dhexe wuxu u Codaynayaa cidda noqonaysa murashaxa madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.