Somaliland: Xukuumadda Somaliland Oo Hay’adaha Caalamiga Ah Ka Mamnuucday Inay Shaqo Qof Muwaadin Ahi Qaban Karo Cid Kale Dibadda Uga Keensadaan.

0
760

Guud ahaan Dalalka Adduunka waxa Shalay looga Dabaal-degay Xuska Maalinta Shaqaalaha oo Sannad Walba la xuso 1-da Bisha Shannaad.

shaqaale-weynaha Somaliland oo Shalay sida Shaqaalaha kale ee Adduunka fasax ahaa, ayaa waxa Munaasibad ay ku xusayaan ku qabteen Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Xarunta hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Xuskan oo ay ka qayb-galeen Boqollaal ka mid ah Shaqaalaha Dawladda ee Shaqooyinka fasaxa ka ahaa iyo Masuuliyiin uu ka mid yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland, ayaa waxa lagu soo qaaday Caqabadaha Haysta Shaqaalaha Somaliland, gaar ahaan Shaqaalaha Hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo sida Xal loogu helo karo Caqabadaha Mushahar yaridu ka mid tahay.

Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cabdi Daahir Cammuud, oo Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in Xukuumadda Somaliland soo saartay Go’aan ah in Shaqaalaha Hay’aduhu ka keenayaan Dibadda laga dhigo Muwaadiniinta Somaliland ee leh Xirfadaha Hay’aduhu u baahan yihiin, “Waxaanu ka hawl-galnay in Hay’aduhu joojiyaan Shaqaalaha ay dibadda uga keenayaan Shaqada uu qaban karayo Qofka Hargeysa jooga ee Jaamacadaha ka baxay, arrintaasina waa Shaqada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Somaliland.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Siyaasadda Dalku waxa weeyaan in Hay’aduhu qortaan Muwaadiniinta halkan Jooga ee qaban kara Shaqooyinka ay u baahan yihiin Hay’aduhu. Haddii Cid walba Dibadda ka keento Shaqaale, dalkan yaa Shaqo ka helaya, Shaqo laga heli maayo.

Markaa Hay’adaha waxaanu leenahay wixii Nin Reer Somaliland ahi qaban karayo waxa idiin fulinaya Dadka Reer Somaliland ah ee dhameeyay Jaacamadaha. Laakiin Hay’aduhu hadday leeyihiin Shaqaale aanu Dibadda ka keensanay baa noo shaqeynaya, taa Macnaheedu waxa weeyaan haka Yaacaan Dalka.”

Wasiir ku-xigeenku waxa kale oo uu sheegay in 8 Wasaaradood uu Madaxweynuhu u diray inay soo saaraan Sharci lagula dagaalamo Tahriibka.