Somaliland: Waftigii Ay Hogaaminayeen Muuse Biixi Iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Saaka Dalka Dib Ugu Soo Laabtay Walina Aan Ka Hadlin Ujeedka Socdaal Ay Ku Tageen Dalka Kenya

0
785

Waftigii ay hogaaminayeen gudoomiyaha xisbiga KULMIYE mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo mudooyinkiii u danbeeyeyba safar ugu maqnaa dalka dibadiisa gaar ahaana dalka Kenya ayaa saaka xilli hore kusoo guryo noqday magaalada hargeysa.

Waxaana waftigan markii ay kasoo dageen madaarka Cigaal markii ay soo dhaafeen madaarka iyaga oo usoo jihaystay dhankaa iyo xafiisyaddooda .

Masuuliyiintan ayaa iyagu wali ka warbixin ujeedada socdaal ay ku tagaan dalka Kenya,iyo midho dhalka kulamo ay la yeesheen masuuliyiin kala duwan.