Somaliland: Wada Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Dib U Bilaabmayaan Dabayaaqada Bishan May.

0
757

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa Shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa kaga hadlay, Ujeeddada Safar isaga, Wasiirka Madaxtooyada iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadku ku tageen Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga.

Wasiir Sacad Cali Shire, waxa uu faahfaahiyey Wada Hadallo Ankara ku dhex maray Weftiga Somaliland iyo Wefti ka socday Dawladda Somaliland, kaas oo uu sheegay inay kaga wada hadleen sidii loogu Gogol-xaadhi lahaa Wada hadalladii u dhexeeyay Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya oo la doonayo in dib loo Anbo-qaado.

“Waxaanu Safar ku tagnay Dalka Turkiga, Annaga oo ah Wefti ka kooban Aniga, Wasiirka Madaxtooyada iyo Safiirka Somaliland ee Imaaraadka. Ujeeddadayaduna waxay ahayd inaanu halkaa kula kulanno Xubno ka socda Dawladda Turkiga iyo Wefti ka socda Dawladda Soomaaliya. Ujeeddada aanu ula kulmaynay Weftiga ka socda Dawladda Soomaaliya waxay ahayd sidii loogu Gogol-xaadhi lahaa dib u furidda Wada hadalladii inooga socday Dalka Turkiga illaa 2012-kii oo Hakad ku yimid isla-markaana aan la is-arkin Muddo ah illaa Sannad iyo badh.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxaanu intaa ku daray isagoo Sharraxaya bilowga Wada hadallada iyo waxa looga dan-leeyahay, “Wada Hadalladu Bishii June, 2012-kii ayay ka furmeen Waddanka Ingiriiska, Ujeeddada loo qaban-qaabiyey ee loo furay Wada hadalladu sidii Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya uga Wada hadli lahaayeen Aayahooda iyo xidhiidhka ka dhexeyn kara. Markaa waxaanu u aragnaa Arrin Muhiim ah (Wada Hadalladu), Sababtoo ah waa Madasha aynu ku kulanno innaga oo laba Waddan ah, waana Arrin u dan ah Labadeenna Waddanba inaynu si Salmi ah ku xallino. Innaga Ujeeddadeennu waa inaynu Dawladda Soomaaliya ku qancino inay tahay Dantooda, Teenna, ta Gobolka inaynu Noqonno laba Waddan oo Xor ah oo jaar ah, oo Ilaaqaad Wanaagsan leh.”

Dr. Sacad Cali Shire, Waxa uu sheegay inay Si wanaagsan isku Afgarteen Weftiga Soomaaliya ee ay kula kulmeen Turkiga, “Runtii, si wanaagsan baanu iskugu Afgaranay in Wada hadalladii dib loo bilaabo, ka ugu horeeyana la bilaabo 31-ka bishan May ee bilaabantay, Ajanduhuna noqdo Wada hadalladii hore wixii ka qabsoomay iyo wixii aan ka qabsoomin iyo wixii lagu heshiiyey sidii loo dhamaystiri lahaa iyo in Qolo walba la timaaddo Geeddi-socodka iyo waxa loogu talo-galay in meel la isla dhigo ee ah Aayatiinka xidhiidhka Labada Waddan.”ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in intii ay Ankara ku sugnaayeen la kulmeen Masuuliyiin ka mid ah Dawladda Turkiga, “Intii aanu Joognay waxaanu ka faa’ideysannay Wakhtiga oo waxaanu la kulanay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Turkiga, Madaxweynaha ama Madaxa Hay’adda Horumarinta Turkiga ee TIKKA iyo Hay’adda Bisha Cas, waxaanu kala hadallay sidii ay Abaaraha inooga Taakuleyn lahaayeen, rejo weyna waanu ka qabnaa inay Gacan-weyn ka geystaan.”

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay Xuska Sannad-guurada 90-aad ee Dhalashada ee Boqortooyada Ingiriiska oo ay kaga qayb-galeen Magaalada Addis-Ababa, “Waxa kale oo aanu Marti-qaad ku tagnay Magaalada Addis-ababa oo Safaaradda Ingiriisku Marti-qaad Dad badan ka qayb-galeen ku samaysay, Annagana waxay noo noqotay fursad aanu kula kulanno safiirro badan iyo Wasiirro ka socday Dawladda Itoobiya. Markaasi ka dib waxaanu u gudubnay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaa waxaanu kula kulannay Waddamada innaga Caawiya Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF) oo ay ka mid yihiin Waddamada Denmark, Holland iyo Waddanka Ingiriiska, oo aanu ka wada hadalnay Guud ahaan Mashaariicda iyo Abaaraha. Waxa kale oo noo suurto-gashay inaanu aragno ku simaha Safiirka Maraykanka iyo ku-xigeenka Ururka Midowga Yurub, Ergayga gaarka ah ee Norway, Mid walba waxaanu uga Warranay Mowqifka Somaliland iyo Xaaladda Somaliland iyo sidii xidhiidh Wanaagsan iyo Wada-Shaqeyn u yeelan lahayn. Waxa kale oo aanu la kulanay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya, waxaanu kala hadalnay sidii loo xoojin lahaa ilaaqaadka ka dhexeeya labada Dal, kaasi oo ah ilaaqaad Taariikhiya, waxa kale oo aanu la kulanay Jaaliyadda Somaliland ee Kenya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, oo uu faahfaahiyey Xafiis Somaliland ka furatay Nairobi, “Waxa kale oo noo suurto-gashay inaanu Nairobi ka furno Xafiiska Wakiilka Somaliland. Xafiiskaasi Maaha Safaarad, ee waa Xafiiska Wakiilka Somaliland, waa Xafiis la mid ah Xafiisyada aynu ku leenahay Addis-Ababa oo Itoobiya ah iyo Jabuuti, markaa Waa Xafiis aynu aad iyo aad ugu baahanahay Runtii. Shaqooyinka Xafiiskaas waxa ka mid ah siduu kor ugu qaadi lahaa ilaaqaadka ka dhexeeya Kenya iyo Somaliland, hadday tahay xagga isku-socodka, hadday tahay Xagga Ganacsiga iyo Siyaasaddaba. Dawladda Kenyana waxaanu ku casuunay inay Xafiis kaas la mid ah ka furtaan Hargeysa.”