Somaliland: Taliyihii Hore Ee Ciidamada Badda Somaliland Oo Ka Hadley Sababta Uu Madaxweyne Siilanyo Xilka Uga Qaadey

0
624

Taliyihii hore ee ciidamada Badda Somaliland Sareeyo Guuto Maxamed Xussen Siirane ayaa waxaa uu ka hadley sababtii uu madaxweyne Siilanyo xilka uga Qaadey

Taliyaha ayaa waxaa uu arintaasi kaga hadley mar uu maanta xilkii uu u hayey ciidamada Badda uu ku wareejiyey taliye ku xigeenka Ciidamadaasi waxaana uu sheegay Muddane Xiirane in  ay soo de dejisay  xil ka qaadistiisa ka dib go,an uu ka qaatey markab soo istaagay duleedka dekada magaalada Berbera waxaana uu yidhi

” Dhacdadii markabka anuu amnigiisa si baan u arkayaay sidii ugu habonayd baanan go’aankayga ka yeelay ka go’aan ahaan aniga laakiin haday dawladu si kale u aragtay oo ay igu badashay waxba kama qabo oo waan soo dhaweeynayaa,  laakin anigu sidaan u arkay arintaa waxa lala wareegayaa waa intaa waa la iska badala kurisga waanana soo dhawaynayaa  ” ayuu yidhi taliyaha Cidamada Bada Somaliland .