Somaliland: Sheekh Caan Ah Oo Ka Mid Ah Culimada Magaalada Hargeysa Oo Xalay Ciidamada Boolisku Xabsiga U Taxaaben

0
745

Waxaa habeenkii xalay ahaa ciidamada booliska Somalilad ay xabsiga u taxaaben sheekh Aadan Sune oo ka mid ah culimada waa weyn ee rer Somaliland .

 

Ciidamada RRU-da ayaa nuskii danbe ee xalay waxay xoog ku galeen guriga Sheekh Aadan Sune oo ku yaala degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa

Ciidamadan ayey wararku sheegayaan inay sidoo kale dhibaatooyin u gaysteen qaar ka mid ah dadkii  marayey waddooyinka ka  ag  dhawaa guriga Sheekha, kuwaas oo la sheegay inay qaarkood meel gaar ah ku hayeen isla markaana ay ka qaadeen telefanada isgaadhsiinta.

Wax war ah oo ka soo baxay xukuumada Somalilad ma jiro  kaas oo lagu  faah faahinaayo  sababta loo xidhay Sheekh Aadan Sune.