Somaliland: “Sheekh Aadan Sunne Waxuu Galay Danbi , Xadhigiisana Sharci Baanu U Marney ” Afhayeenka Ciidanka Boolisa Somaliland

0
786

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ay ka hadleen sheekh Aadan Sunne oo ka mid ah culimada rer Hargeysa oo xalay ciidamadu soo qabteen  isla markaana ay ku xidheen  xarunta danbi baadhista ee C.I.D.

Afhayeenka ciidamda booliska Somaliland gaashanle Sare Faysal Xiis oo arintaasi ka hadley waxaa uu sheegay in xadhiga sheekh Aadan Sunne ay ciidamadu u mareen nidaam sharci ah ka dib markii uu sheekhu danbi cad oo maxkamada la hor keeni doono uu  galay waxaana uu yidhi

“Waxaanu halkan idinka sheegayna in xalay oo bishu aheyd laba  ay saacaduna aheyd ilaa 12:20 habeenimo  ciidanka boolisku waxaa ay soo qabten oo ay xarunta C.I.D ay ku xidheen sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne)  sheekhaasi waxaa uu ku kacey falal nabad galyo daro oo khatar ku ah bulshada Somaliland .

Hadhow baad iska odhan doontan sheekh baa la isku soo xidhay la iskama soo xidhin ee dariiqii sharciga ahaa baa loo maray danbigaas uu galay kiiskiisa waa la baadhey warqada qabashada maxkamada ayaa u soo jartey oo uu ku xidhan yahay  waxaan deg deg loo geyn hor geyn doona maxkamada ” ayuu yidhi  Gashaanle sare Faysal Xiise afhayenka ciidamda booliska Somaliland .