Somaliland: Qayladhaanta Sul. Maxamed Sul. Cabdiqaadir Ee Dhulka Reer Saleebaan Bide

0
916

Abwaan Axmed Saleebaan Bide iyo Suldaanka Guud ee salaadiinta Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa ka digay xiisad ka dhalan karta talaabooyin ay kala kulmeen askar ka tirsan milatirka Somaliland oo shalay lagu arkay dhul beereed ku yaalla koonfurta oo baryihii la soo dhaafay muran ka taagnaa.

Abwaan Axmed Saleebaan Bide ayaa sheegay in dhulbeereedka lahayn in ka badan 60 sannadood “Beertan aabahay wuxuu degay 1946-kii, waxa dajiyay Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye, wuxuu u dejiyay dawladnimo ayaynu degi doonayee, mar haddii aad madaxdii milaterka ka mid ahayd dhammaaday ee aad naga nala shaqaysid iyo dawladda Somaliland ee iman doonta iyo tan ingiriiska ee inagu hadhay si aynu uga helayno sababo gobanimo doon aad nala gashidde halkan deg. Milaterigu waxay halkan yimaadeen 1965-kii bishii 4aad, anaguna 1946-kii ayaanu degnay, markaanu isqabsanay ee dawladani noo garnaqday, waxa lagu xukumay markii guntii iyo baarkii la soo hubsadday ee shan wasiir saxeexeen ee maayarku saxeexay ee sharcigii nala siiyay kii dawladda sare iyo kii dawladda hoose, wakuwaa maanta (Shalay), ka kiisha nagu soo weeraray.”Ayuu yidhi Abwaan Axmed Saleebaan Bidde

Sidoo kale, Suldaan Maxamed Cabdiqaadir ayaa sheegay in dhibaato ka dhalan karto talaabadda ay qaadeen milatariga Somaliland “Anigu waxaan ka hadlayaa wadankan in aanu sharciyadiba aanay oolin kol hadii madaxweynuhu  gudidii uu diray afka la iska marinaayo, meeshana kala danbayni ma jirto.Wallahi nimankaasi waxay u barteen xeradii ( Gaas Emta )  dhulkii ka sokeeyey ee ay beenta ku qaateen, maanta tani waa kama danbays cidna ka dul qaadan mayno, markaas waxaan leeyahay xerada ( Gaas Emta )   madaxweyne afar gudi ayaad u saartay murankeeda oo gudidii shanaad baa dhulkayagii iska qorshaysatay  dan guud bay yidhaahdeen oo qalinka ayaad adiguna ku  duugtay waanu  iska xishoonay oo waanu aamusnay balse maanta (shalay), hadii ay tani noqoto  tii oo kale  meeshaba waanu iskaga guuri doona , anagu beer reer leeyahay dawlad dhan oo xiinaheeda dul dhigta waligay maan arkin markaas ilaa Ceerigaabo ,Berbera. Burco  waanu isku kaashan doona ee waa cidii laga xoogroonado” ayuu hadalkiisii ku soo koobay  suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir