Somaliland: Maamul-gobolleedka Puntland Oo Jananka Booliska Somaliland Uga Mahad-celiyey Dib U Celinta Baabuur Lagala Soo Baxsaday Garoowe

0
808

“Gaadhigaa waxa lahaa ciidanka dembi-baadhista (CID)-da ciddii ku doodaysay ama tidhi Madaxweyne-xigeenka lahaa, warkaasi maaha mid jira,  Taliyaha Booliska Somaliland Aad baan u hambalyeynayaa General Fadal”

Ciidamada Booliiska Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa amaan iyo mahadnaq ugu soo jeediyey Ciidanka Booliiska Somaliland kaalintii ay ka qaateen dib u celinta gaadhi lagala soo baxsaday, isla markaana sheegay inuu iskaashi isu-celin  ahi u dhexeeyo labada ciidan. Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland, Cabdirasaaq Yuusuf Af-guduud oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Garoowe, ayaa sheegay in ciidanka Booliiska Somaliland dib ugu soo celiyeen gacantooda gaadhi lagala baxsaday, waxaanu yidhi “Gaadhiga lala baxsaday waxa lahaa ciidanka Booliiska Puntland, waxaanu ka codsanay taliyaha booliiska Somaliland inuu noo soo celiyo, waanu noo soo celiyey. Aad baan u hambalyeynayaa General Fadal, oo naga dhexayso wax isu celin, sidaan annaguba hore dad lacago iyo wax kale la soo baxsaday ugu celinay.” Mr. Af-guduud ayaa sheegay inaanu jirin warar hore gaadhiga ula xidhiidhiyey inuu lahaa Madaxweyne-xigeenka Puntland, oo warbaahintu hore u faafisay. “Gaadhigaa waxa lahaa ciidanka dembi-baadhista (CID)-da ciddii ku doodaysay ama tidhi Madaxweyne-xigeenka lahaa, warkaasi maaha mid jira, gaadhi booliiska Puntland leeyahay ayuu ahaa, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaan ka codsanay, waanu noo soo celiyey.”

Hadalka taliyaha ciidanka booliiska Puntland ayaa ka horimanaya qoraal saxaafadeed hore Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland ugu sheegtay in gaadhi uu lahaa Madaxweyne-xigeenka Puntland dib ugu celiyeen, oo dirawalkiisu kala soo baxsaday dib ugu celiyeen, una dhignaa sidan:-

“Saraakiil  ka socota  wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland ahna  La Taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Xasan Cigaal  oo ay  weheliyo Af-Hayeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha  Jamaal Cabdi Muxumed oo Khamiistii  Todobaadkii  Hore  ka anbo baxay  Magaalada  Hargaysa ee caasimada  Somaliland   ayaa si rasmiya gacanta ugu geliyay saraakiisha maamulka Puntland gaadhi uu  lahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland  oo dhawaan uu  kala soo baxsaday dirawalkiisu  lana soo  galay  Somaliland isla markaana ay gacanta ku  dhigeen  ciidamada qaranku. Iyadoo  ay dawlada  Somaliland  ay  ilaalinayso  daris wanaaga iyo nabad galyada  labada dhinac ee Somaliland iyo Dawlad goboleedka maamulka Puntland..”

Dhinaca kale, taliyaha booliiska Puntland ayaa qiray kaalinta Taliyaha ciidanka Booliiska Somaliland sareeye Guuto Cabdillahi Fadal Iimaan ka qaatay soo qabashada gaadhiga lagala soo baxsaday, oo wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland kala masuugtay sheegisteeda.