Somaliland: “Ictiraafka Lama Day dayo Ee Waa La Sameeyaa” Sayaasi Boobe Yuusuf Ducaale

0
810

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale oo hore u ahaa xoghayihii wafaafinta ee xisbiga Waddani isla markaana hada ah siyaasi madax banaan ayaa waxaa uu ka   hadley kulan dhawaan dalka turkiga u dhex maray wafti ka kala socda labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya .

“Sidii xukuumadan aan la mahadin dhaqanka u ahaa xilalkii lamaanaha iyo aarankaba ahaa ayaa iyaga oo ku safraya baasabooro ajanabi ah mar kale tagay dalka Turkiga inaga oo ka wada dharagsan in wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ay joogsadeen bishii march 2015-kii iyada oo aan waxba laga waydiin guddidii ictiraaf raadinta ayaa dayaarada la boobay, Wada hadallada doorkan ka dhacay Turkiga waxa ku cusbaa kulankii aqoonyahanka ee ergooyinka saddexanka ah dhex maray”

Mujaahidku waxaa uu sheegay in xukuumada Somaliland ay la ambatey wada hadaladii  ka dhaxeeyey Soomaaliya waxaana uu xusay in ictiraf raadintan ay xukuumadu ku wareertay aanu aheyn mid la dey deyo balse uu yahay mid la sameysto

Sidoo kale Muj.Beebe waxaa uu dhaliilo u soo jeediyey labada gole baarlamaan oo uu sheegay in ay xukuumada arintan ku dabo gali lahayen balse waxaa uu nasiib daro ku tilmaamay inay hawl gab ku dhaw yahiin waxaana uu madaxweyne siilanyo ugu baaqey in la joojiyo wada  hadaladaas.