Somaliland: C/raxmaan Cirro Oo Dagaalkii Dhinaca Diblomaasiyadda Kaga Badiyay Guddoomiyaha Kulmiye Una Baxay Dalka USA Iyo Muuse Biixi Oo Loo Diiday Fiisaha Dalka Maraykanka, Soona Guryo Noqday

0
792

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Safar Iskaga Gudbay Safaaradaha Dalka Maraykanku Ku Leeyahay Dalalka Itoobiya Iyo Kenya, Hungo Isku Mid Ahna Kala Soo Kulmay

Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi ayaa dhawaan ku hungoobay Safaaraddaha Dalka Maraykanku ku leeyahay Dalalka Itoobiya iyo Kenya kadib markii ay u diideen Codsi uu kaga dalbay Fiisaha Dalka Maraykanka,halka uu Gudoomiyihii Xisbiga Mucaaridka ahaa ee WADDANI Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cirro hortiiba laga siiyay fiisaha Maraykanka, islamarkanaa uu hadda ka Cawaynayo Dalka Maraykanka.
Warar Xog ogaal ah oo Wargeyska Foore helay ayaa daaha ka rogay in Gudooiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi safar uu dhawaan ku tagay Dalka Itoobiya uu Safaarada Dalka Marayku ku leeyahay Itoobiya ka codsay Fiisaha Dalka Maraykan balse ay safaaradu u diiday oo ay ka hor istaagtay inuu Fiisaha Dalkooda helo. Sida warkan lagu sheegay waxa uu haddana Gudoomiye Muuse Biixi safar kale uga Gudbay Itoobiya oo uu u dhaafay Dalka Kenya,isagoo isla sidii oo kale Safaaradda Dalka Maraykanku ku leeyahay Kenya ka codsaday inay siiyaan Fiisaha Dalka Maraykanka balse safaaradaasina sidii oo kale ayay uga hor istaagtay inuu helo Fiisaha Dalka Maraykanka. Waxa ay Arintani Niyad jab ku abuurtay Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Dalka Maraykanka oo si wayn iskugu diyaariyay inay La kulmaan Gudoomiye Muuse Biixi iyo Waftigiisa oo ay inbadan sugayeen.
Lama garanayo Sababta Safaaradaha Maraykanku u diideen inay fiisaha dalku galka siiyaan Gudoomiye Muuse Biixi Balse waxa ay Dhacdadani si weyn ugu baahday Goobaha Siyaasada lagu lafo guray ee Magaalada Hargeysa waxaanay Dadka qaar isbarbar ku sameeyaan sida ay ukala fursad duwanaadeen Muuse Biixi iyo Gudoomiye Cirro. Aragtiyaha Siyaasadeed ee Hungadaasi Muuse biixi ku dhacday laga bixiyay ayaa sidoo kale tibaaxaya sida uu Gudoomiyaha Kulmiye ugu liito Diblomaasiyadda Xidhiidhka Dibada iyo sida uu Dhigiisa Xisbiga WADDANI ugaga Awood badan yahay ee uu safarkan ugu awood sheegtay. Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ayaa guul u soo hoyotay u arka Fiisaha Dalka Maraykan ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye loo diiday.
Dhinaca kale, dadka qaar ayaa u arka in Diidista loo diiday Muuse Biixi Fiisaha Dalka Maraykanku ay fursad Guul ah siisay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo isagu markiiba la siiyay Fiisaha islamarkaana hadda ku sugan Dalka maraykanka,oo uu kulamo kala duwan laqaadanay taageerayaashiisa Ku sugan dalkaasi.