Somaliland: Cali Guray oo Naqdiyey shirweynaha Faysal Cali Waraabe u qabanayo Musharaxnimadiisa

0
752

“Musharaxnimada jagooyinka madaxwaynaha iyo ku xigeenku uma baahna Shirwayne ee waa hawl uu leeyahay Golaha Dhexe ee UCID”

Faysal Waa Nin Aanu Fadhiyin Iimaankiso Oo Maalinbe Alabab Gargaraaca,Cali Guray

Khilaafka u dhaxeeya hogaanka xisbiga UCID ayaa keenay in labada garab isku dhaleeceeyaan shirar uu midkood ba dhinac ugu baaqay oo ay doonayaan inay ku soo xulaan Musharaxa iyo ku-xigeenka Madaxtinimo ee Doorashada Madaxtooyadda.

Hadaba, Cali Guray oo ah Guddoomiyaha sadexaad ee xisbigaasi ayaa duray in shirweynaha garabka ka soo horjeedaa ku baaqeen uu yahay sharci daro, isagoo sheegay cida soo dooranaysa musharaxiinta xisbigu inay tahay Golaha Dhexe. “Musharaxnimada jagooyinka madaxwaynaha iyo ku xigeenku uma baahna Shirwayne ee waa hawl uu leeyahay Golaha Dhexe ee UCID.

Jamaal waxa doortay Golaha Dhexe ee UCID oo ahaa xubnihii uu dortay Shirwaynaha Xisbigu. Sharciga UCIDna kan ma yahay QODOBKA 27AAD MUSHARAXIINTA MADAXWEYNE IYO MADAXWEYNE KU XIGEEN Xarafka 1 aad Musharaxiinta Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen waxa dooranaaya Golaha dhexe ee xisbiga.

Xarafka 2aad Murashaxnimadda Jagooyinka madaxweyne iyo ku xigeenka iyo xubinamadda hogaanka sare ee Xisbigu way kala madax banana yihiin. Xarafka 3aad Xubina looma sharaxi karo musharax madaxweyne ama ku xigeen wax ka badan laba jeer.

QODOBKA 16AAD HAWLAHA GOLAHA DHEXE Xarafka 9aad ‘ Golaha Dhexe wuxuu ansixinayaa heshiisyadda uu xisbigu la galo xisbi ama cid kale( dhinaca Kale) Xarafka 10aad Golaha Dhexe wuxu u Codaynayaa cidda noqonaysa murashaxa madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka”