Somaliland: Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Hanjabadii Ugu Cusleed Hawda U Mariyey Taliyaha Ciidamda Qaranka Somaliland Iyo Madaxweyne Siilanyo .

0
823

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa waxaa uu hanjabadii ugu cusleed  hawda u mariyey Madaxweyne Siilanyo  iyo taliyaha ciidamda qaranka Somaliland.

Suldaanka ayaa waxaaa uu sheegay  in dhul  ay ku leeyihiin duleedka koonfureed ee Magaalada Hargeysa ay ku haystaan ciidamada Qaranka Somaliland isla markaana hore looga qaaday dhul ay ku laheyn aga gaarka xerada ciidamada qaranku ku leeyihiin duleedka koonfured ee Hargeysa oo  loo yaqaano xerada  (Gaas Emta).

Sul.Maxamed Cabdiqaadir ayaa waxaa uu sheegay in uu madaxweyne Siilanyo saxeexay in dhulkaasi dan guud yahay  sidoo kalana  dhulkan kale ee ay maanta  lagu haystaana hadii  wax laga qaban waayo ay dhiibato ka dhalan karto waxaana uu yidhi

“Anigu waxaan ka hadlayaa wadankan in aanu sharciyadiba aanay oolin kol hadii madaxweynuhu  gudidii uu diray afka la iska marinaayo meeshana kala danbeyni ma jirto”.

Walahi nimankaasi waxaa ay u barteen xeradii ( Gaas Emta )  dhulkii ka sokeeyey ee ay beenta ku qaatene maanta tani waa kama danbeys cidna ka dul qaadan meyno markaas waxaan leeyahay xerada ( Gaas Emta )   madaxweyne afar gudi ayaad u saartey murankeeda oo gudidii shanaad baa dhulkayagii iska qorsheysatey  dan guud bey yidhaahdeen oo qalinka ayaad adiguna ku  duugtey waanu  iska xishoonay oo waanu aamusney balse maanta hadii ay tani noqoto  tii oo kale  meeshaba waanu iskaga guuri doona , anagu beer reer leeyahay dawlad dhan oo xiinaheeda dul dhigta waligay maan arkin markaas ilaa Ceerigaabo ,Berbera. Burco  waanu isku kaashan doona ee waa cidii laga xoog roonado” ayuu hadalkiisii ku soo koobay  suldaanka Guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir