Somaliland: Musharaxa Madaxwayne Xisbiga UCID Iyo Saraakiil Ka Tirsan Xisbiga UCID Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Xil Ka Qaadis Uu Gudoomiy Faysal Ku Sameeyey Xoghayihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga

0
805

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo saaraakiil sar sare oo ka tirsan xisbiga UCID ayaa maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteen magalada hargeysa waxay waxba kama jiran ku tilmaameen warsaxaafadeed uu xalay soo saaray gudoomiyaha xisbiga UCID oo uu sheegay inuu xilkii ka qaaday xoghayihii golaha dhexe ee xisbiga UCID Xasan Cismaan Sabca.

Waxaana ay masuuliyiintani sheegeen inay ay awood u leeyihiin oo kaliya inay xoghayaha shqada ka joojiyaan golaha dhexe ee xisbiga .

Aqoonyaha Jamaal Cali Xuseen oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warsaxaafadeedkaa uu soo saaray gudoomiyuhu ee uu sheegay inuu shaqadii ka joojiyay xoghayihiin golaha dhexe waxaana isaga oo arimaha aiyo kuwa kaleba ka  hadlaya ayaa waxa uu yidhi.

“waxaan ka arkayay warbaahinta gudoomiyaha oo waraaq soo qoray uu leeahay waxan shaqadii ka joojiyay xoghayihiin golaha dhexe,somaliduna waxay odhan jirtay hada ayuu sii go’ay maydkaa lasii sidaa markaa faysal cali waraabena iminka ayuu sii go;ay, golaha dhexe ayuunbaana awood u leh inay shaqada ka joojiyaan xoghayaha golaha dhexe, bulshada Somaliland wxaan u sheegaya dadkaa u leeyahay shaqada Ayaan ka eryay Faysal xaal baan ka bixinaynaa”Sidaas ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen

Dhanka kale musharaxa madaxwayne ee xisbiga UCID waxa uu baaq u diray maxkamada iyo gudida ururada diwaangalinta inay arinkan si deg deg dacwadooda u galaan oo ay go’aamo uga soo saaraan waxaana uu yidhi.

“Waxaan ugu baaqaynaa maxakmada iyo gudida diiwaangalinta ururada inay dacwadayada si deg deg ah u galaan oo ay go’aamo uga  soo saaraan, taageerayaashana waxaan leeyahay ha niyad jabina halkii u danbaysay ayaynu maraynaa”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Jamaal Cali Xuseen

Dhanka kalena xogyahana golaha dhexe ee xisbiga UCID Xasan Cismaan Sabca ayaa gudoomiyaha ugu baaqay inayy xilka iska casilo inta ka horeysa shirka golaha dhexe waxaana uu sheegay inaanu awood u lahayn inuu xilka ka qaado .

Si kasteba ha ahaatee waxa mudooyinkii u danbeeyeyba isa soo tarayay khilaafka xisbiga UCID oo maalinba maalinta ka danbaysa sii xoogaysanaya .