Somaliland: Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI Oo Kormeer Wacyi Galin Ah Ku Tagay Deegaano Hoos Yimaada Caasimada Hargeysa+Sawiro

0
862

Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo gudoomiye ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa waxaa ay saaka safar kormeer ah ku tageen deegaamada dhinca waqooyi kaga beegan caasimada Hargeysa oo ay ka mid tahay degmada  Daarasalaam iyo tuulooyinka hoos yimaada .

Ugu horeyn waftiga ayaa waxaa ay intii aanay ka sii anba bixin magalada Hargeysa  waxaa ay sii  mareen goobaha cod bixinta ee waqooyiga caasimada gaar ahaan xaafadaha sheedaha  halkaas oo diwaangalintu si wacan uga socotey.

Sidoo  kale  waftiga ayaa sii watey safarkood ay ugu sii jeeden deegaanad dhinca waqooyi kaga beegan  magaalada Hargeysa waxaana ay gaadheen magaalada Daarasalam halkaas oo   markii ay gadheen magaaladaasi ay dadweynaha  degankaasi ku nool ay ku  soo dhaweyn waftiga xisbiga Waddani .

Masuulyiinta xisbiga Waddani oo ay ka mid yahiin xoghayha warfaafinta , gudoomiye ku xigeenka afraad ee xisbigaas, xogyaha xisbiga iyo masuulyiin kale oo dadweynaha kula hadley meel fagaare ah ayaa waxaa ay  ugu baaqeyn in ay is diwaan galiyaan  isla markaana safarkan ay saaka ugu yimaadeen aanu aheyn mid olale ah  balse uu yahay mid waciyi galineed, iyaga oo masuuliyintani sheegay faa’idada uu leeyahay kaadhka codaynta.

Gabo gabadii waxaa madasha hadalo kooban oo dar daaran ah ka yidhi gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed isla markaana waftigan hogaaminaayey waxaana   uu ugu horeyn dadweynaha rer Darasalaam uga mahad celiyey soo dhaweyn balaadhan ee ay ku qaabilen waftiga uu hogaaminaayo,waxaana uu  gudoomiyuhu ugu baaqey  in ay  si hagar la,aan ah isku diwaangaliyaan si ay u halaan xaqa ay deegan ahaan dalka ku leeyihiin iyo ka ay shaqsi ahaan leeyihiin.

Dhanka kalena gudoomiye ku xigenka WADANI waxa uu dadwaynaha deegaanka u sheegay inay muhiim tahay inay qaataan kaadhka codaynta.

10-740x493 8-1-740x493 11-740x493 14-740x493da