Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Hanbalyo U Diray Shaqaalaha Munaasibada Xuska Maalinta Shaqaalaha Oo Bari Ku Beegaan Awgeed.

0
858

Madsxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa dhanbaal Hanbalyo ah u diray shaqaalaha adduunka gaar ahaan shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaaliland, munaasibada maalinta shaqaalaha awgeed. Sidaana waxaa lagu sheegay war-saxafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo u dhignaa sidan.

Taariikh: 30/04/2016

HAMBALYO MADAXWEYNE

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa shaqalaha Aduunka, gaar ahaan shaqaale waynaha Somaliland, munaasibada 01-May, Maalinat shaqaalaha adduunka awgeed.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha ku sifeeyey cududda iyo xoogga wax soo saarka iyo horumarinta qaranka, la’aantoodna aanu jiraynin himilo wanaagsan oo ummaddu hiigsataa.

Madaxweynuhu wuxu tilmaamay inuu qarankani ilaalinayo xuquuqda shaqaalaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba, iyadoo sanadba sanadka ka danbeeya shaqaalaha dalkeenu uu kordhayo tiro iyo tayo ahaanba, lana sii wadidoono, laguna dedaalidoono sidii loo sii hagaajin lahaa xirfadooda iyo aqoontooda, si kor loogu qaado noloshooda, loona dhawro xuquuqdooda.

Madaxweynuhu waxa uu shaqaale waynaha Somaliland rag iyo dumarba u rajeeyey inay xuskan xuskiisa ku gaadhaan, bash-bash iyo barwaaqo, isagoo ku booriyey inay halkaa ka sii wadaan waajibaadka ay ugu xilsaaran yihiin dalkooda iyo dalkooda oo ah shaqada ay u hayaan ummadooda.