Somaliland: Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Kulan La Yeeshay Wasiirka Arrimaha Debadda Kenya.

0
904

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahana Murashaxa Jagada Madaxweynaha Xisbigaas, Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka arrimaha debada Somaliland iyo Safiirka Kenya u fadhiya Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka arrimaha debada Dalka Kenya. Qoraal uu kulankaas kaga hadlaayo Murashaxa Xisbiga KULMIYE uuna ku baahiyay bogiisa Facebook-ga ayaa u dhignaa sidan.

Waxa aannu maanta la qaadanay kulan diblomaasiyadeed oo muhiim ah Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Kenya, Marwo Aamina Maxamed Jibriil. Waxaannu ka wadahadalnay kor-u-qaadista xidhiidhka labada dal, in xafiiska JSL ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya meeqaamkiisa diblomaasiyadeed kor loo qaado, in dalka Kenya ku yeesho xafiis rasmi ah caasimada JSL ee Hargeysa, si uu u fududeeyo isku socodka dadweynaha iyo ganacsiga labada dal. Waxa kale oo weftiga Somaliland kala hadlay Wasiirka Marwo Aamina Maxamed Jibriil sidii dalka Kenya hormood uga noqon lahaa aqoonsiga JSL uga baahan tahay beesha caalamka iyo gaar ahaan waddammada IGAD iyo Midowga Africa, maadaama Kenya tahay dal miisaan badan ku dhex leh ururradaa dhexdooda.

Waxa kale oo weftigu ka codsaday dawladda Kenya inay ardayda Somaliland siiso deeqo waxbarasho oo qayb ka noqda dhismaha mustaqbalka dhallinyarada JSL. Sidoo kale, waxa labada dhinac isla eegeen sidii labada dal isku dhaafsan lahaayeen waayo-aragnimada iyo khibradda maamul ee dhinacyada ganacsiga, nidaamka bangiyada ee caalamiga ah si loo fududeeyo maalgashiga iyo ganacsiga shisheeye, kordhinta wax-soo-saarka beeraha IWM.
Wasiirka Arimaha Dibadda ee Kenya waxay noo ballanqaaday inay wefti meeqaam sare leh u soo dirto caasimada Somaliland ee Hargeysa si ay uga qaybgalaan xuska sannad-guurada 25-aad ee maalinta Qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May 2016. Dhammaan qodobadii laga wadahadlay si buuxda ayaa la iskugu af-gartay. Waxaan halkan uga mahadcelinayaa Wasiir Aamina Maxamed Jibriil oo si mug leh noo qaabishay, dhammaan qodobadii weftiga JSL kala hadlayna si qurux badan noola qaadatay.”