Somaliland: Gabadh Yar Oo Goor dhawayd Maydkeeda Laga Helay Xaafada October Ee Magaalada Burco

0
907

War hada soo gaadhaya xafiiska warqabadka shabakadaWarganenews kana soo gaadhaya magaalada burco ayaa sheegaya in goor dhawayd xaafada aktoobar oo kamida xaafadaha magaalada burco laga helay gabadh yar  oo mayd ah.

Waxaana gabadhan yar oo sida naloo sheegay lagu magacaabi jiray Sagal isla markaan da’deeda lagu qiyaasay ilaa 6 jir aan ilaa hada la garanayn cida disha iyo sababta loo dilay.

Maydka ilmahan yar ayaa la geeyey cusbitaalka way nee magaaalada burco.

Ciidamadaba booliska gobolka togdheer ayaa iyagu ku daba jira baadhitaanka cida dishay ilmahan yar iyaga oo waalidka ilmahan yarna ay shegeen inaanay garanayn cid dishay.

Magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaa mudooyinkii u danbeeyeyba waxa kusoo badanayay dilalka loo gaysto carurta yar yar iyada oo ay dhawaan ahayd kadib markii deegaano hoos yimaada gobolka togdheer lagu dilay ilmo yar oo la joogy xoolo, taasi oo ugu danbayntii ciidamada booliska gobolka togdheer gacanta kusoo dhigen ninkii gaystay falkaas.