Somaliland: Dooxa FIQI ee Gobolka Salal oo qaaday 3 Qof

0
756

Alla haw naxariistee saddex qof oo ay laba kamid ahi yihiin haween, labadan haweena mid kamid ahna ay tahay hooyo ayaa waxa qaaday dooxa wayn ee mara duleedka magaalada fiqi adan ee gobolka salal.

Saddexdan qof ee uu dooxu qaaday ayaa ahaa sida uu noo sheegay gudoomiyha tuulada dad xoolo dhaqato ah isla markaana ahaa dad isku qoys ah.

Waxaana saddexdan qof oo uu daadka dooxa magaalada fiqi aadan qaaday lakala odhn jiray marxuun Saleeban Muuse Cabdilaahi oo ahaa wiil yar oo 10 jir ah, marxuumadd Makko Cabdi Nuur oo ah hooyada dhashay wilkan 10 jirkaa ah ee dooxu qaaday oo da’deeda lagu qiyaasay 40 jir, iyo marxumadda saddexaad oo ah Caasha Khayre Cabdilaahi oo iyaduna ah gabadh dhalinyaro ah oo da’deedu ahayd 20 jir .

Mar aan wax ak waydiinay siday wax u dhaceen gudoomiyaha magaalada fiqi aadan mudane Cabdi Aamiin ayaa waxa uu noo sheegay inuu dooxu qaaday saddexdaaa qof waxaana uu sidoo kalena sheegay inay ku guulaysteen inaay soo saraaan maydka saddexda qof waxaana uu yidhi.

“Maanta duhurnimadii ayaa wiilka yar oo xolo dhaqato ah oo xoolo ku eegaya dooxa sare ayuu daad xoogani u yimid intii uu xoolaha ka saarayay dooxa, waaana uu kusoo xoogaystay, markii ay aragtay hooyadii wiilkeedii oo daadku sii wato ayay iyada iyo gabadh ay aayo u tahay ay u dhaadhaceen dooxii si ay usoo badbaadiyaan, wiilkii iyo labadii haween ahaaba wuu qaday saddexdoodiba, aniga iyo dadka tuulada dadaal badan oo aanu galnay waxaan ku guulaaysanay inaan soo helo oo soo sarno saddexdii qof maydkoodii allen waa nagu guuleeyey”Sidaas ayuu yidhi gudoomiyh tuulada fiqi aadan.

Gabagabadiina gudoomiyuhu waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diray eheladii,qaraabadii iyo asxaabtii ay ka baxeen saddexdaa marxuun ee daadku qaaaday.