Somaliland: Beelaha Ayuub oo Suldaan Guud u Caaleemo Saaray Wiil uu Dhalay Suldaankii Geeriyooday

0
1084

Suldaanka Guud ee Beelaha Ayuub Suldaan Aadan Suldan Aamin Suldaan Faarax ayaa Maanta lagu caleemo saaray Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland, Munaasibadaasi oo ahayd mid aad u Balaadhan ayaa waxa ka soo qaybgalay Salaadiin uu ugu horeyo Suldaanka

Guud beelaha Suber awal Suldan Xassan Suldan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxman, Suldaan Naasir, Saladiin, Cuqaal, Madaxdhaqameedyo, Culimo awdiin, Dhalinyaro, Haween, Wasiiro iyo Siyaasiyiin ka kala socday Sadexda Xisbi qaran.

Munaasibadaasi lagu caleemo saaray Suldaan Aadan ayaa waxa ku caano Shubay Suldaanka Guud ee Beelaha Suber Awal, Suldaanka Aabihii ayaa xilkaasi ka geeriyooday muddo labba sanno ah laga joogo waxanu maanta kala wareegay kusimihii  Xilkaasi oo kumeel gaadh ahaa.

Xaaji Cabdi Kabadhe Oo ugu horeyn ka hadlay xafladaasi ayaa ka sheekeyey taariikhda dheer ee Saldanada Beesha Ayuub leedahay, waxaanu tilmaamay in Muddo 116  sanno ah Jirtay saldanadaasi.

Chief Caaqil Abdilaahi Cali Muxumed iyo odey Aw cabdi sheekh oo iyaguna ka hadlay Munaasibadaasi ayaa soo dhaweyey Suldaankaasi cusub oo ay sheegen in uu yahay mid dhalinyaro ah isla markana Beesha Ayuub taageersan tahay madama Suldaanku ka soo jeedo saladanada Facweyn ee Beeshooda.

Ugaaska Beesha Ayuub Ugaas Ismaciil Abdi Axmed oo isaguna ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Suldaanka Guud ee Beeshiisa, waxanu tilmaamay in loo bahan yahay in Suldanka lala shaqeyo oo la garab istaago, waxanu balan qaaday in uu garab taagan yahay suldaanka cusub.

Maxamed Xusen Cabdi oo ku hadlayey Afka Dhalinyarada Beesha Ayuub oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegaya in madama oo suldaanku yahay suldaan dhalinyaro ah soo dhaweynayaan, waxanu tilmaamay in guud ahaan dhalinyarada beesha Ayuub taageersan tahay suldankooda.

Odey Cabdilaahi Gaxnuug, Caaqil cabdilaahi Rabi Cadaani iyo Axmed Kayse oo iyaguna munaasibadaasi ka jeediyey hadalo soo dhaweyn ah oo ay ku soo dhaweynayaan suldankooda.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Beesha Ayuub Cabdiqani oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi ayaa soo dhaweyey Suldanka cusub.

Xog-yahaya Dib u dajinta Xisbiga Waddani Jaamac Hilaac oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi ayaa sheegay in suldaanku looga bahan yahay in dhex uu u noqdo Siyaasiyiinta Somaliland oo meelna aanu taageerin, waxa kale oo uu ka hadlay taariikhda Guunka ee Saladanada beesha Ayuub.

Eng:Cali Sulub iyo Aqoonyahano kale oo madashaasi ka hadlay ayaa ku dheeraday Muhiimada Beesha Ayuub uu u leeyahay Suldaanku waxanu sheegay in suldanku yahay lafdhabartii beesha Ayuub.

Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxdhaqameed ka socday Beesha Gaadsan waxanay sheegen in ay halkaasi u yimadeen in ay taagero u muujiyaan Saladanada Beesha Ayuub Xushamadna ay u hayaan.

Suldaan Naasir oo ah Suldanka Beesha Gabooye ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan Suldanka Cusub ee Beesha AYUUB.

Wasiirudawlaha Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland Cabdi Daahir Camuud oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi ayaa ku dheeraday taariikhda saladanada Beesha Ayuub, waxanu sheegay in beesha Ayuub looga bahan yahay in la xooleeyo suldaanka isla markana la taageero, wasiirku wax akale oo uu sheegay in Suldanku aanu ahay mid cusub balse uu yahay qoyskii saladanada Beesh Ayuub.

Suldaanka guud ee Beelaha Suber Awal Suldan Xassan Suldaan Cabdilaahi Suldan Cabdiraxman oo suldaanka cusub ku caano shubay ayaa hadal dheer munaasibadaasi ka jeediyey, waxanu sheegay in suldaanka uu u hambelyenayo xilka cusub ee la saaray, waxanu ku dheeraday qiimaha saladanadu leedahay, isaga oo ka sheekeyey Maraxladii saladiintiinta  kala duwan ee beesha Ayuub soo maray iyo sida ay haybada u lahayeen, waxanu illahay uga baryey suldanka cusubna in uu dariiqaasi uu maro, waxa kale oo uu tilmaamay in Suldaanimada ay saddex ka qaadan, Garleexsan, Gudoon jilicsan, iyo Gacangudhan.

Gabogabadii waxa madashaasi lagu caleemo saaray Suldan Aadan Suldan Amiin Suldaan Faarax oo bedelay Abihii oo dhintay.

000000000000-400x300 11111-450x252 11111111-450x252 111111111111-450x252 11111111111111111111-450x252