Kenya: Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Meel Fagaare Ah Ku Gubay In Ka Badan 100 Tan OO Fool Maroodi ah + SAWIRO

0
990

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa dab suray faan maroodi iyo wiyil kuwii ugu badnaa ee hal mar la gubo.Goob fagaare ah ayaa lagu gubay 105 ton oo faan maroodi ah kuwaasoo u dhigma maroodiyaal tiradooda gaareyso 65,000.

Fagaaraha lagu gubay ayaa waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin ka socota dowlada Kenya iyo marti sharaf kale oo ka kala yimid caalamka kuwaasoo ay ka mid ahaayeen madaxweynayaal.

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Faransiiska ayaa qudbado ay soo diyaariyeen laga soo jeediyay fagaaraha goobta lagu gubay faanta maroodiga.

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Faransiiska ayaa qudbado ay soo diyaariyeen laga soo jeediyay fagaaraha goobta lagu gubay faanta maroodiga.

Madaxweyne Hollande ayaa qudbadiisa ku sheegay in uu u ololeynayo in wadamada Yurub ay ku dhowaaqaan in ay joojiyaan ganacsiga faanta maroodi lana diyaariyo dhaqaale lagu taageero dowlada Kenya si ay u hormariyaan tallaabooyinka loogaga hortagayo ilaalinta ugaarta.

Sidoo kale hogaamiyaha Maraykanka ayaa sheegay in uu sii wadi doono gargaarka maaliyadeed ee lagula dagaalamayo dadka ugaarsada maroodiga, waxana uu xusay in Maraykanku uu ugu deeqay saddexdii sano ee la soo dhaafay lacag gaareysa shan bilyan oo shilinka Kenya ah.

Madaxweynaha dalka Gabon Ali Bongo oo ka mid ahaa ka qeybgalayaashii xaflada ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladaha Afrika ay ku midoobaan sidii loo baab’in lahaa kooxaha ugaarsada maroodiga.Faanta maroodiga ee la gubay ayaa lagu qiimeeyay lacag ka badan Sh15billion

1 2 3 4 5 6 7 8