Roobabkii Gu’ga Oo Ka Curtay Saaxil Iyo Awdal

0
964

Roobabkii gu’ga ayaa ka curtay deegaano ka tirsan gobalada Saaxil iyo Awdal oo ay abaar ba’ani ka taagantahay.

Gobalka Saaxil, waxa ay shalay roobabku ka curteen deegaanada Sheekh iyo Mandheera, waxaana ka da’ay roob lagu qabowsaday.

Dhinaca gobalka Awdal, waxa uu gu’gu shalay ka curtay deegaanada Xariirad, Boon iyo weliba deegaano ku dhow degmada Qulu-jeed, waxaana deegaanadan ka jirtay abaar ba’an oo saamaysay dad iyo duunyaba.