Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Sulux Ku Dhameeyay Dhul 24 Sanno La Isku Haystay

0
983

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa ku guulaystay inuu sulux ku dhammeeyo dhul 24 sannadood ay laba qoys isku haysteen, kaas oo ku yaala waqooyiga magaalada Hargeysa. Dhulka ayaa ah dhul balaadhan oo uu cabirkiisu yahay 200 oo mitir oo isku wareeg ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare, ayaa shalay ku dhawaaqay heshiiska suluxa ah ee labadaas qoys la dhex dhigay, isagoo hadal ka jeediyay goobta uu ku yaalo dhulka la isku haystaa, islamarkaana ay goob-joog ka ahaayeen dhinacyada ay dacwada dhulkaasi dhex taalay, waxaana isku haystay dhulkaas laba dhinac oo kala ah Reer Yuusuf Maygaag Samatar iyo qoys kale oo uu wakiil u ahaa Xaaji Cabdi Axmed Yuusuf.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa yidhi  “Maanta waydinkaas arkaya, tanaasul ayay sameeyeen labadii qoys, wax boolis ah oo meesha jooga iyo xoog xoog loogu kala wareejiayaana ma jiraan, sulux iyo wanaag ayaanu ku kala wareejinay.” ayuu yidhi.

Isagoo Aadan Xaaji Cali, la hadlaya farriina u diraya dadka kale ee isku hasyta mudada dheer dhulka, wuxuu yidhi  “Waxaanan ugu baaqaynaa dadka kale intay isku baabi’I lahaayeen inay isu tanaasulaan, arrintani maaha arrintii koowaad, dhul badan oo dadku sidan isugu dhammaadeen ayaanu sulux ku dhammaynay dhammaan magaalooyinka Somaliland. Labadan qoys ee suluxa ku dhammeeyay murankooda, waanu u mahadcelinaynaa, iyagaana noola yimid heshiiska, annaguna waanu u gudoonay. Dadka kalena waxaan leeyahay sidaas oo kale ciddii dhul isku haysataa sulux ha ugu dhamayso si ay dadku u intifaacsadaan inta ay noolyihiin.”

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay laba oday oo ku hadlay afka labada qoys, kuwaas oo sheegay inay aqbaleen heshiiska, iyagoo u mahadceliyay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Ugu dambayn wuxuu guddoomiyaha maxkamadda sare sharciyadii heshiiska ee dhulkaas u kala wareejiyay labadii qoys.