Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada Somaliland Oo Dhaliilay Qaabka Ay Gudida Abaaruhu U Wadaan Gurmadka Dadka Abaaruhu Saameeyen

0
1541

Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada hargeysa ayaa ka hadlay abaaraha baahsan ee k a jira gobolada iyo degmooyinka dalka Somaliland, waxaana uu Xirsi Cali Xaaji Xasan uu dhaliilay qaabka ay gudida abaarahu ay u wadaan gurmad ay dadka abaaruhu saameeyeen u fidinayaan,Waxaana uu ugu baaqay inay badalaan qaabka ay u wadaan gurmadka.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan isagoo arimaha ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi sida tan

“Abaaruhu runtii waa aafo qarankeena soo waajahday oo u baahan in qaab qaran lagu qaabilo,loo gurmado loo wada fayto sidii abaaraha wax looga qaban lahaa,abaaraha baahsan ee dadka saameeyey isbarbaryaac uma baahna, qofba inuu dacal u cararo oo qofba meel wax gaadhsiiyona uma baahna iyada oo gurmadka loo baahan yahay hadana waxay u baahan tahay qaab, waxaan ku baaqayaa in in dadka walaalaheena ee abaaraha saameeyeen aynu u wada gurmano, waxaan kale  ugu baaqayaa gudida abaarah ee heer qaran iyo heer gobolba in qaabka dawladnimo aynu u  wada marno oo aynu waxeena aynu ururino meel iskugu gayno kana waantowno is barbaryaaca”Sidaas ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Mudane Xirsi isagoo wali hadalkisia sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyay

“Dhib kaste midnimo iyo isku duubni ayaa lagaga baxaa lagagama baxo tafaraaruq inagoo mida aynu ku qaabilno,qolada dawlada iyo xisbiyada qarankana hadii la joojiyay arintii diiwaangalinta waxaan ugu baaqayaa inay iyagoo mida uga shaqeeyaan abaaraha, dadka jilcisan uma baahna gadbad bariis ah iyo saliid la dul dhigo waayo maba karsan karaa ee waxay u baahan yihiin in marka hore jal la siiyo oo cunto nafaqo leh la siiyo oo qofka noloshiisa badbaadisa”Sidaas ayuu yidhi Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Dhanka kale mudane Xirsi waxa uu ugu baaqay dawlada iyo bulshada Somaliland-ba inay dadka abaaruhu saameyeen aan loo gayn oo kaliya cuntada dabada laga keeno ee loo geeyo ayuu yidhi cuntada dalkeena lagu sameeyo si ay dadka dan yarta ahna ay uga heelaan nolol maalmeedkooda waa sida uu hadalka u dhigay waxaana uu yidhi.

“Gurmad badan ayaa la sameeyey intii abaartu jirtay laakiin waxay u baahan tahay in aad iyo aad loogu fiirasdo waliba waxaan intaa ku darayaa waxaad moodaa in raashinka dadka abaruhu haystaan loo gaynayo ay taha kuwa dabada laga keenaye laakiin waxa la helayaa kuwo dalkeena lagu sameeyo oo lagu beero oo ay kamid tahay Digirtii, aarabakhidii iyo hadhuudhkii, oo inta dadka dan yarta ah laga iibiyo si ay dhaqaale uga dhigtaan kuwa abaaru saamaysayna loo geeyo aadbayna labada qoloba wax ugu taraysaa”Sidaas ayuu yidhi Mudane Xirsi Cali Xasan.

Ugu Danbayn mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ugu baaqay xukumadda Somaliland, hay’adaha dawliga ah iyo kuwa maxaliga ahba, ganacsatada iyo bulshada Somaliland ee kukala sugan guddo iyo dibadba in ay waajib tahay in laga wada qayb qaaato gurmadka iyo taakulaynta dadka walaalaheena ee ay abaaruhu ku saameeyeen gobolada degmooyinka dalka.