Faysal Iyo Cali-Gurey Oo Isku Bilaabay Warmo Ay Muddo La Kala Maaganaayeen

0
1142

Iyadoo khilaafka UCID uu isa soo tarayo, ka dib markii ay isku muruxsadeen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen, ayaa hadda waxa muuqata in khilaafku gaadhayo guud ahaan xisbiga.

 

Shalay waxa shirjaraa’id qabtay guddoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), Maxamed Haaruun oo ka tirsan xisbiga UCID, iyo xoghayaha golaha dhexe ee xisbigaas Mr. Sabce, kuwaas oo digniin iyo hanjabaad hawada u mariyay guddoomiye Faysal Cali Waraabe, isagoo Cali-Gurey ku hanjabay inay Faysal la tiigsan doonaan xeerka xisbiga, kuna eedayn doonaan lunsiga lacag xisbigu leeyahay.

Waxase ka eedaaas iska difaacay Faysal Cali Waraabe, isagoo isna dhinaciisa eeddo u jeediyay Cali-Gurey, waxaana markaas muuqata in Faysal iyo Cali-Gurey hadda wixii ka dambeeya isu soofaysan doonaan warmo siyaasadeed.

Mujaahid Cali-Gurey

Guddoomiye Cali-Gurey oo ugu horayn shirka jaraa’id ka hadlay ayaa yidhi “Waxa Golaha Dhexe ansixiyey heshiis ay wada galeen oo ah ama aan anigu u aqaano heshiiskii badbadinta UCID, oo taariikhiya, Golaha Dhexe waxa uu cod u qaaday isaga oo adeegsanaya qodobka 17-aad xubintiisa kowaad,iyo qodobka 27-aad xubintiisa kowaad, iyo qodobka 16-aad xubintiisa tobnaad, waliba xarafka Tobnaad iyo Sagaalad, xarafka sagaalad waxa uu cuskanayaa heshiiska ay wada galeen,  Golaha Dhexena awood buu u siinayaa inay ansixiyaan heshiisyada ay la galayaan cid kale.

Isaga oo intaas eegaya Golaha Dhexe ayuu cod u qaaday, dhammaan xubnihii ka soo qayb galay ee kalfadhigaas fadhiyey, waxay u codeeyeen musharaxnimada Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan oo ku xigeen ahaa, cid diidayna ma jirto, Guddoomiyuhuna wuu u codeeyey”.

Cali Guray ayaa mar uu ka hadlaayey qodobada uu ku waayi karo Jamaal Cali Xuseen xilka Musharaxnimo ee Xisbiga ayaa yidhi “Waxa aan u sheegay in Guddoomiyaha Saddex qodob ayuun baan hayaa oo uu Jamaal Cali Xuseen kursigiisi ku banayn karo, qodobka ugu horeeya waxa weeye haddii uu Musharaxu is casilo iskii uu isku casilo wey banaanaysa jagadaasi, oo wey dhacday oo Cabdirashiid Xasan Mataan ayaa iskii isku casilay, xubintiisi way banaantay, taladeedu waxay dib ugu soo noqoysaa Golihii Dhexe iyo Xisbigii, Jamaal se ismuu casilin, oo waa kow, dambi ciqaabeed oo uu galo waxa uu ku waayayaa musharaxnimada, ma galin, qodobka saddexaad ee jagadaas ku banayn karaa waxa weeye isaga oo ay tiisi noqoto,  oo geeriyooda, wuu raamsanayaa, oo waa kan horteena jooga, marka anagu waxa aan adeegsanaynaa oo aanu imika baadhaynaa wax alaale wixii uu Faysal ku xad gudbay xeerka Xisbiga UCID,waanu soo dhigaynaa, ilaa xeerka Maaliyadda ayaanu soo dhigaynaa, oo 13-kun oo dollar oo bil kasta Faysal soo qaado”

Dhinaca kale waxa iyana shirkaas jaraa’iid ka hadlay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga UCID gaar ahaan Xoghayaha Golaha Dhexe Xisbiga Sabca  iyo Maxamed Haruun oo labaduba ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga UCID, kuwaas oo iyagu dhinac fadhiyay Cali-Gurey, lana qabay aragtidiisa.

Faysal Cali Waraabe

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, oo isna la hadlay warbaahinta , kana jawaabaya eedaha ayaa yidhi “Cali Guray anaa magacaabay xisbigana wax alaale wuxuu ku darsaday ma jiro, mana haysto kaadhkii golaha dhexe,aniga uun baa kumeel gaadh ahaan ugu magacaabay, awooda xisbiguna waa shirwaynaha xisbiga oo waxuu go’aamiyo ayuun baa lagu socdaa.

Xoghayaha gole dhexena waa xoghayn , oo markaan shir fadhino ama shirwaynaha golaha dhexe wixii ka soo baxa uunbuu noo qoraa, xisbigana magaciisa waxa uu ku hadli kara saddex qof waa xoghayaha guud ee xisbiga,gudoomiyaha xisbiga iyo xoghayaha warfaafinta”ayuu yidhi Gudoomiye Faysal .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu sidoo kale ka  jawaabay eedo musuq masuq oo uu Cali Guray dusha u saaray  gudoomiye Faysal waxaana uu yidhi

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Faysal yidhi ” ninka yidhi lacag ayuu lunsadayna waxa weeyey Cali Guray, Calina waxa uu soo maray laba xisbi oo lacagta lagu cuni jiray,waa KULMIYE oo lacag badan lahaan jiray iyo UDUB oo xukumadda ahaan jiray, waxaanad moodaa inuu nosoo shaqo tagay, lacagta kabka ah anaa ka masuula anaanay dawladu ila xisaabtamaysaa waxna lagama cuno ayaan odhanayaa markaa waxiisu wax ka soo qaad ma leh , xisbigu sharci ayuu leeyahay, sharcigaa ayaa lagu soconayaa oo nidaam ayuu leeyahay waxii nidaamkaa ka baxsana nin iska hadlay weeye”Sidaas ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe