Siyaasiyiin Culus Oo Isu Casilay Magacaabistii Faysal A. Waraabe Ee Guddoomiyenimada Guddida Wada-hadallada iyo Ictiraaf Raadinta.

0
1059

Laba xubnood oo kamid ah guddidii Madaxweyne Axmed Siilaanyo hore ugu magacaabay wadahadallada masiiriga ah ee Somaliland iyo Soomaliya, ayaa xilkii xubinimada guddida iska casilay, kaddib markii sida Wargeyska Yool ay u sheegen ilo Dublamaasiyadeed inay ka biyo diideen guddoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Madaxweynuhu u magacaabay inuu Gudoomiye u noqdo guddidaa. Ma jiro Warsxaafadeed si cad u sheegaya labada xubnood oo warbaahintu heshay.

Hase-yeeshee, sida lagu baahiyey qaar kamid ah shabakadaha Wararka, ayaa tilmaamay in laba xubnood ee guddidaa iska casilay ay kala yihiin Pro Axmed Ismaacil Samatar iyo wasiirkii hore ee Ganacsiga Dr. Maxamed Cabdilahi Cumar, waxana warar Mareegtu faafisay intaa ku dareen in iscasilaada laba xubnood salka ku hayso magacaabista Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, oo sida baruhu wararkooda ku iftiimiyeen ay isku qaban weyday magacaabista Faysal iyo hawsha guddida iyo natiijada laga rabbo. Waxa kaloo shabakaddu warka amuurtan la xidhiidha ku xuseen in laba xubnood ee xilka ka tagay u arkaan Gudoomiyaha xisbiga Ucid Nin aan hanan karin masuuliyadda dusha loo saaray, isla markaana hawlaha noocan oo kala ahi ay u baahan tahay hawl kar aqoonteeda.

Geesta kale, magacaabista Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe ee guddida wadahadallada Somaliland iyo Soomaliya iyo weliba arrimaha aqoonsi raadinta Somaliland ayaa kusoo beegmaysa xilli xaasaasi ah oo ay dalka ka jiran muraanno siyaasi ah, kuwaasoo qaarkood isku sidkeen Siyaasadda Xisbiga tallad haya ee Kulmiye iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, halka Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbiga Ucid Jamaal cali Xuseen iyo xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ay Siyaasadoodu tahay mid ku qotonta dhabbuhuu mucaarid lahaa.

Haddaba, arrimaha iyo kuwo kale oo jira waxa ay intuba ku micnaynayaan magacaabista deg-dega ah ee Gudoomiyaha xisbiga Ucid loogu cummaamaday guddida miisaanka leh ee masiiriga ah mid looga dhigay abaal gud looga dhigayo hawlihii u qabtay dartood. Si kastaba ha ahaatee, hadii arrimahani dhab yihiin, waa magacaabista Gudoomiye Faysal cali Waraabe ee guddida citiraaf raadinta’e, iyo sidoo kale xilka tagista xubnaha iska casilay Gudidaa, waxa arrimuhu kala cadaan doonaan maalmaha foodda inagu soo haya.