Dawladaha Somaliland Iyo Itoobiya Oo Kala Saxeexday Heshiis Ku Saabsan Isticmaalka Dekedda Caalamiga Ah Ee Berbera .

0
932

shir mudo sadex cisho ah uga socday magaaladda Debre zeit  ee dalka itoobiya ,dawladdaha Somaliland iyo itoobiya oo ku saabsanaa istimaalka dekedda caalamiga ah ee Berbera ayaa maalintii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Debre zeit  dalka itoobiya ,shirka ayaa diirada lagu saaray  socdka badeecadaha,ee ay Itoobiya kala soo degto dekedda caalamiga ah ee Berbera. Mudadii uu shirku socday waxa doodo iyo falanqeyn masuuliyiinta labada dawladooda ka yeesheen sidii loo horumarin lahaa isticmaalka badeecadaha ay dawladda itoobiya ay kala soo degto dekedda Berbera,sidoo kale waxay masuuliyiinta Somaliland ku dheeraadeen inay diyaar u yihiin in dhinacooda ay fududayn doonaan sidii heshiiskan horumar looga gaaadhi lahaa.

 

Shirkan oo ahaa shir muhiim ah ayaa waxa  ka qayb qaadanayey Guddi farsamo oo ka tirsan qaar ka mid ah wasaaraddaha Somaliland,Maareeyaha Guud ee dekeddaha Somaliland iyo madaxda safaaradda Somaliland ku leedahay itoobiya,dhinaca Itoobiya waxa shirka ka soo qayb galay madax iyo masuuliyiin uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee hayadda Itoobiya u qaabilsan Hawlaha Badaha Mr MEKONNEN ABERA.

ugu horeyn  shirkaasi khudbad qiimo leh oo taariikhiya ka jeediyey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka itoobiya Ambassador Adan Muuse Jibrill oo ka sheekeeyey taariikhdii ganacsi ee Somaliland iyo itoobiya u dhaxeeyey mudo badan boqolaal sanno,waxana uu tilmaamay Ambassador-ku  in heshiiskani yahay mid guul u horseedaya shacabka Somaliland iyo shacabka Itoobiya. Geesta kale waxa isna kulnkaasi hadal ka jeediyey Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng: Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor Xoor) oo sheegay in heshiskani uu daba socdo heshiis hore oo labada dawladood ay wada galeen sanadkii 2015-tii,heshiskaasi oo ku saabsanaa isticmaalka dekedda Berbera,heshiiskana yahay kii labaad oo lagu dardar gelinayo hawlaha socodka badeecadaha dawladda iyo ganacsatada itoobiya ay kala soo dagaan dekedda Caalamiga ah ee Berbera,Cali Xoor Xoor ayaa sheegay in uu yahay heshiiskani mid u horseedaya horumar labadda dale e Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa kale isna shirkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee hayadda itoobiya u qaabilsan Hawlaha Badaha Mr MEKONNEN ABERA oo sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskan ay kala saxeexdeen Somaliland iyo itoobiya ee k u saabsan isticmaalka iyo socodka badeecadaha itoobiya kala soo degto dekedda Berbera,wuxuu Mr MEKONNEN tilmaamay inay muhiim tahay sidii uu u fulin lahaa heshiiskan taariikhiga ahi iyo in labada dalba ka faa’iidaystaan isku socodka ganacsiga.

Somaliland iyo itoobiya ayaa waxa ka dhaxeeya iskaashi balaadhan oo dhinacyo badan leh,waxana xusid mudan in heshiiskani uu yahay mid muhiim ah oo sahlaya inay itoobiya badeeacadda badan kala soo degto dekedda caalamiga ah ee Berbera,waxana uu heshiiskani u horseedayaa labada shacabka ee Somaliland iyo itoobiya in ganacsiga ka dhaxeeyaa uu soo xoogaysto,isla markaana labada dal iyo labada shacaba ay ka faa’iidaysn doonaan midhaha heshiiskan taariikhiga ah.