Daawo Khudbadda Madaxweyne Silaanyo “Waxan Ahay Siyaasi 40 sano in ka badan Umaddiisa U Soo Adeegayey”

0
903

Waxaan idin leeyahay dadkaygiiyow, waxaynu nahay hal dal, hal dad iyo hal dareen. Tani waxay markhaati ma doon u tahay in aan ka soo horjeedo sabab kasta oo keeni karta dib u dhac ku yimaada doorashooyinka muddaysan. Ma aaminsani, in magac iyo maamuus iigu kordhayo in muddo marba la ii kordhiyo. Waxaan Go’aamiyey: In la hakiyo muddo kooban oo bil ah Diiwaangelinta Codbixiyayaasha (Bisha April 2016). Markii Aan Qiimeeyey Nuxurkii ka soo baxay kulankii talo-wadaaga ahaa ee aan ugu yeedhay Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Shir-guddoonka labada Gole.