Xukuumadda Oo Ka Damqatay Weedhihii Cirro
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda ayaa muujiyay sida xukuumadda madaxweyne Biixi uga damqatay shir jaraa’id oo guddoomiyaha xisbiga Waddani Dr Cabdiraxmaan Cirro qabtay Khamiistii.

wasiir Maxamed Muuse Diiriye ayaa yidhi “Habeenkii dhawayd erayadii kaa soo yeedhay iyo qaabkii aad noogu soo labisatay ee aad ugu soo labisatay xukuumadda aad baan uga xumahay.”

Wasiirku waxa kale oo uu Cabdiraxmaan Cirro ku eedeeyay in aanu qayb ka qaadanayn dhammaynta khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo Kornayl Caarre, islamarkaana aanu xukuumad ahaan difaaca la galin marka Soomaaliya wax ka sheegayso Somaliland.

Wasiirka ayaa hadalladiisu u muuqdaan in dhalliilaha Cabdiraxmaan Cirro jiifka u diideen inkasta oo aanay badnayn hadallada Cirro ee ka dhanka ah madaxweyne Biixi.
“Waxay Ahayd In Madaxweynuhu Caarre Cafiyo,” Cirro
Cirro ayaa shirkiisa jaraa’id si adag ugaga hadlay erayo dhawaan madaxweyne Biixi ku daray khudbad uu jeediyay oo ku saabsan in dulqaadkiisu gabaabsi yahay.