Baarlamaanka Ingiriiska Oo Wasiirul Dawlaha Khaarajiga Ee Dalkaas Wax Ka Weydiiyay Xidhiidhka Xumaaday Ee Guinea Iyo Somalia Ee Uu Sababay Socdaalkii Madaxweyne Biixi

0
466

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa toddobaadkan lagaga hadlay socdaalkii Madaxweyne Biixi ku tagay dalka Guinea iyo xidhiidhka xumaaday ee Guinea iyo Soomaaliya iyo weliba saamaynta uu ku yeelanayo Somaliland.

Xildhibaan Liz Mclnnes oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska ayaa wasiirul dawlaha arrimaha dibadda Ingiriiska Harriet Baldwin waxay weydiisay su’aal nuxurkeedu ahaa bal in dawladda Ingiriisku wax qiimayn ah ku samaysay xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Guinea ee xumaaday iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Somaliland.

Wasiir Harriet, ayaa ku jawaabtay “Ingiriisku wuu ka war qabaa xiisada la soo weriyay ee Guinea iyo Soomaaliya. Labada wadan iyagaa masuul ka ah xidhiidhkooda laba geesoodka ah. Kama war qabno wax saamayn ah oo uu xidhiidhkaasi ku yeelanayo Somaliland. Siyaasadda Ingiriiska ayaa ah in Somaliland iyo dawladda federaalka Soomaaliya ay go’aan ka gaadhaan xal waara oo la xidhidha mustaqbalkooda. Waanu sii wadaynaa taageerada iyo dhiirigelinta qorsheyaasha wada hadal nabadeed oo labada dhinac dhex mara.”