Madaxwaynaha Puntland Oo Xil U Magacabay Siyaasi Ka Goostay Somaliland

0
46

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni ayaa gudoomiyaha gobolka Sanaag u magacaabay Cali Xuseen Soomaali. Cali ayaa hore u ahaa guddoomiyaha gobolka Badhan ee Somaliland laakiin, wuxuu qayb ka ahaa siyaasiyiin iyo ciidamo Somaliland dhawaan ka goostay oo u galay maamulka Puntland.

Wareegto uu soo saaray Siciid Deni ayaa u dhignayd sidan:-

Waxaa Cali Xuseen Maxamed loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
Waxaa Jaamac Cabdulaahi Cali loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Gobolka Sanaag.
Waxaa Maxamuud Cumar Liibaan loo magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Gobolka Sanaag.
Waxaa Siciid Xuseen Maxamuud Loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Haylaan.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Comments

comments