“Iyada Oo Go’doon Siyaasadeed Iyo Dagaal Inagu Socdo, Xukuumadda Loogama Baahna Go’aan Jilicsan”

0
495
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Waramay Shir Maalgashi Oo Uu Jarmalka Kaga Qayb Galay
Faysal Cali Waraabe Oo Ka Waramay Shir Maalgashi Oo Uu Jarmalka Kaga Qayb Galay

“Iyada Oo Go’doon Siyaasadeed Iyo Dagaal Inagu Socdo, Xukuumadda Loogama Baahna Go’aan Jilicsan”
Xisbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa si adag uga hadlay dhoofka xoolaha Somaliland iyo shuruudaha uu Sucuudigu ku xidhay, waxaanu tilmaamay in Somaliland lagu wado go’doon siyaasadeed iyo dagaal fog oo Dawladda Somaliya ku wado, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay qaado talaabooyin ay kaga hor tagayso.

Xoghayaha Arrimaha Guddiaha Xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu Xukuumadda ugu baaqay inay qaado talaabooyin ku waajahan Hawada iyo Badda, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Somaliland ahaan waxaynu nahay ugu yaraan afar milyan oo qof, waxaynu nahay dal madax banaan, inuu Sucuudigu yidhaahdo Somaliya ka amar qaatana maaha wax ina qabata,Somaliya jiritaankeena ma ogola, horumarkeenana ma ogola, waxayna inagu wadaa dagaal dhinacayo badan leh oo dano badan laga leeyahay, markaas iyada oo go’doon siyaasadeed iyo dagaal fogi oo dano gaar ah laga leeyahay inagu socdo Xukuumadda loogama baahna go’aan jilicsan iyo hadal qudha ee talaabo ha qaado, oo dagaalka lagu wado dagaal la mid ah ha qaado, oo mar haddii Maamulka Hawada heshiiska laga gaadhay la jabiyey, oo Somaliya jabisay, maaha inaynu eegano, ee waa inay Xukuumaddo qaada talaabo ay ku kaantaroolayso Diyaaraha hawadeena maraya, ta kale waa inaynu xidhanaa xadkeena Badda, maxaa yeelay Sucuudigu isaga ayaa maanta dano badan inagu qaba, waxaana xaqiiqo ah haddii aynu xadka Baddeena xidhano inuu inoo baahan nahayo, laakiin maaha inay hadal qudha ay inaga dhegto, waana dhibaato weyn in iyadoo Somaliya aynu garnayno taagteeda iyo tamarteeda in haddana ay isku daydo inay dagaal fog inala gasho, oo ay ka xumaato wax walba oo inoo soo kordha”.