Edna Aadan Oo Si Kulul Uga Hadashay Xayiraada Markabkii Xoolaha Siday, Dawlada Soomaaliya Ku Tilmaantay

0
550

Ergayga gaarka ah ee dawlada somaliland u qaabilsan wada hadalada soomaaliya marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa qalad ku tilmaantay in dawlada Muqdisho ay ka taliso markabka xoolaha sida ee maalmihii la soo dhaafay ku xanibnaa magaalada Jida ee wadanka Sucuudiga.

Marwo Edna Aadan oo warbaahinta kula hadashay magaalada Berbera ayaa meesha ka saartay in dawlada soomaaliya wax laga waydiiyo dhoofka xoolaha somaliland, waxaanay tilmaantay in xidhiidhka somaliland iyo sucuudigu uu yahay mid qoto dheer.

Marwo Edna oo ka hadlaysa arimahan ayaa waxay tidhi “Waan ku faraxsanahay kuna faanaynaain somaliland ay xidhiidh boqolaal sano jiray la leedahay wadanka Sucuudiga kaas oo xataa ka horeeyey wakhtigii aan shiidaalka laga helin, marka ay dhibaatooyin ku dhacaan sucuudiga ama cunto la,aani soo wajahdo ama abaari haleesho waxaanu markab kaga tagaynay somaliland si aanu u caawino walaalahayaga sucuudiga.”

Sidoo kale marwo Edna Aadan waxay ka hadashay muhiimada dhuleed ee ay somaliland leedahay iyo taariikhda ay ku leedahay dagaalkii koowaad iyo labaad, waxaanay xustay in magaalada Berbera ay ahayd halka sahayda laga gaadhsiiyo ciidankii Ingiriiska ee joogay magaalada Cadan ee wadanka Yeman.

Marwo Edna Aadan waxa kale oo ay ka hadashay dhibaatada ka dhalan karta in mudo badan xoolo lagu dul daayo markabka iyada oo lagu jiro xiligii kulaylaha taas oo xataa ay ka dhamaan karaan sahaydii looga sii qaaday magaalada Berbera.

Marwo Edna Aadan waxa kale oo ay tilmaantay in xoolaha ku xanibnaa markabka oo gaadhaya 20,000(labaatan kun oo neef) ay u socdeen xujayda sanadkan gudanaya waajibaadka xajka, iyada oo tilmaantay inaanay jirin sabab xoolahaasi loogu hor istaago amar ka yimid soomaaliya.

Dhinaa kale Marwo Edna Aadan ayaa sheegtay in somaliland ay qani ku tahay xoolaha isla markaana ay heli karto suuqyo kale oo ay ku iibiso iyada oo aan wax ogolaansho ah uga baahan dawlada soomaaliya waxaanay tilmaantay inaanay somaliland ka jirin gaajo maadaama ay leedahay xoolo tayadooda lagu tilmaamo kuwan ugu fiican caalamka “Waxaanu haysanaa xoolo aanu ka iibin karno cidii aanu doono, waxaana jira suuqyo badan oo aanu ku iibin karno anaga oo aan ogolaansho uga baahnayn dawlada argagixisada ah ee soomaaliya”ayey tidhi marwo Edna Aadan.