Shirkadda Dahabshiil Group ayaa uGu deeqday Dugsiga Farsamadda Gacanta ee Berbera (Berbea Technical Collage) Lacag dhan $100,000 oo Doller.
Xaaji Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) mulkiilaha shirkadaha Dahabshiil Group ayaa lagu ammaanay doorka shariifka ah ee uu ka qaatay dib u dhiska dugsiga farsamada gacanta Berbera oo dib u habayn lagu wado. Xaaji Maxamed Siciid ayaa lacag dhan Boqol kun oo dollar ugu deeqay dib u habaynta Dugsiga.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan guddida dib u dhiska dugsiga ayaa sheegay in dugsiga oo ay dib u dhisayso dawladda Jarmalku ay bixinayso lacag ka badan sideed Boqol oo kun oo dollar iyagana looga baahan yahay afar boqol iyo konton kun oo dollar, islamarkaana Xaaji Maxamed Siciid Dahabshiil noqday shakhsiga koobaad ee bixiyay boqol kun oo ka mid ah lacagtan waxaanu ku ammaanay deeqsinimada​

“Reer Berberow ninka aan maanta u ducaynayo ee aan gabi ahaan leeyahay dambigaaga If iyo Aakhiraba Alle ha dhaafo oo runtii degaannimo caddaystay waa Maxamed Siciid Dahabshiil. Aad iyo aad baanu Maxamed Siciid u ammaanayna, ninkaasi deeq aanay cidina na siin oo aanan ku xukumin ayuu isku xukumay, ta hawsha noo dhaqaajisayba isaga weeye. Ninkaasi waa nin Adduunka leh, dad baa jira ganacsato ah oo Adduunka leh oo aan calfanayn ee ubadkoodu cuni doonan ninka Illaahay tasarrufkii buu siiyay, ninkaa haddii hore wax iiga gaadheen xaal iyo raalli gelin wax badan baa iiga kordhay, waa ninka iskuulkan iyo reer Berbera lexejeclada ka leh oo Boqol kun oo dollar ($100,000) ayuu na siiyay, ninkaasi waa lambar kow,” ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble​

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa intaasi raaciyay in degdegsiimaha iyo u dhibirsanaanta samafalku tahay arrinta kale ee uu ugu khujuucay Xaaji Maxamed Siciid “Ayaanta dhawayd markii aanu u tagnay rubuc saac baanu la fadhinay; waar maxaa waddaan markii uu yidhi ee aanu nidhi siyaas iyo sidaas rubuc saac buu yidhi ‘waar aniga iga hooya’ xurmada na deeqday, deeqda badan baa na deeqday, habsan la’aanta na deeqday, habsan la’aanta na deeqday,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Siciid​.