Munaasibad Loogu dabbaal-degayo 59-guurada kasoo wareegtay Markii ay Somaliland xorriyaddeeda Ka Qaadatay Dawladda Ingiriiska oo Caawa Madaxtooyada Lagu Qabtay

0
537

Munaasibad ballaadhan oo loogu dabbaaldegayo 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii oo ah markii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeedii ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska, ayaa caawa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland.

Munaasibadda loogu dabbaaldegayo sannad-guurada 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenkiisa, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweynihii hore ee Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shirguddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali, hoggaanka saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, qaar kamid ah madaxweyne-ku-xigeennadii hore ee Somaliland, wakiillo ka socda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Turkiga, qaar ka mid ah golaha wasiirradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, haldoor, haween, badiba labeenta bulshada reer Somaliland iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana munaasibadda laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda ay maalintaasi leedahay iyo taariikhda ma guuraanka ah ee ay xambaarsan tahay.

Xubno ay kamid yihiin guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Mudane Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha, mudane Axmed Muumin Seed, wasiirkii hore ee wasaaradda gaashaandhigga, mudane Axmed Xaaji Cali Cadami, abwaan Maxamed Aadan Dacar oo munaasibadda ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay munaasibadda 26-ka June u leedahay guud ahaanba ummadda reer Somaliland iyo sida ay mudan tahay in wax badan laga barto taariikhda ku duugan.

Guddoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey tubta toolmoon ee uu qaranka ku hoggaaminayo, isaga oo bulshada ku dhaqan gobolka Sanaagna ugu baaqay inay adkeeyaan nabadda iyo wada-jirka dhexdooda ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda loogu dabbaal-degayey 59-guurada kasoo wareegtay 26-kii June sannadkii 1960-kii, ayaa ugu horrayn si hufan u sharraxay taariikhda ku duugan munaasibaddaas iyo sidii ay ku timi, waxana uu sheegay inay Somaliland kamid tahay dalalka Afrika ee ugu taariikhda dheer.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah hadalkiisa diiradda ugu saaray taariikhda ma guurtada ah ee ay Somaliland leedahay oo uu sheegay inay ka horraysay waqtigii ay Jamhuuriyadda Somaliland xorriyaddeeda ka qaadatay dalweynaha Ingiriiska,“Xorriyadda Somaliland waxa ay kasoo bilaabantaa markii qarnigii 18-aad ay odayaasha Somaliland Ingiriiska kula saxeexdeen badda ee dhammaan odayaasha Somaliland oo dhammi uu mid waliba uu halkiisa kaga saxeexday qodobbada ah, annagu isticmaar noqon maynno, dushaad naga ilaalinaysaa, dhulkayaga kuma dhali kartid, markaannu ku nidhaahno naga tagna waad naga tegaysaa. U mallayn maayo dal Afrikaan ah oo intaas haleelay inuu jiro, taariikhduna halkaasay kasoo bilaabantaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu caddeeyey in bulshada Somaliland oo dhammi si midaysan u dhisatay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo bulshada la wadaagayey magacyada, waxgarad kasoo kala jeeda guud ahaanba gobollada Somaliland oo ka mid ahaa aas-aasayaashii qarankan.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu si gaar ah carrabka ugu adkeeyey shuruudaha aan la aqbali Karin ee ay dawladda Sucuudigu ku xidhay dhoofka xoolaha Somaliland, isaga oo sheegay in ganacsatada reer Somaliland ee xoolaha dhoofiyaa go’aan ku gaadheen inaanay u hoggaansamin shuruudaha uu sucuudigu dhoofinta xoolaha Somaliland ku hoos geeyey Soomaaliya, isaga oo dhammaanba dadka ka ganacsada dhoofka xoolaha Somaliland-na usoo jeediyey inay taageeraan go’aanka ay ganacsatadaasi ku taageereen qarannimada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu dawladda Itoobiya ka tacsiyadeeyey saraakiishii iyo siyaasiyiintii la laayey, waxana uu sheegay inay xukuumad ahaan dareenka xanuunka leh la wadaagayaan shacabka iyo xukuumadda Itoobiyaba.

Ugu dambayntii waxa calanka Jamhuuriyadda Somaliland la saaray markii ay saacaddu ahayd ahayd 12:00-kii Habeennimo, iyada oo uu madaxweynuhu salaan siiyey calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa-bilaahi tawfiiq