Somaliland Oo Laga Fulinayo Mashruuc La Xidhiidha Ka Faa’iidaysiga Biyaha Oo Ay Ku Baxayso 3.6 Milyan Euro

0
537

Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa magaalada Hargeysa ka furay mashruuc ay maalgalinayaan midawgo Yurub oo, oo lagu maamuli doono khayraadka biyaha iyo dhulka, kaas oo ay ku baxayso 3.6 Million, oo Euro.

Mashuruucan oo socon doona muddo laba sanno ah, ayaa waxa lagu maamuli doonaa ka faa’iidaysiga khayraadka biyaha iyo dhulka ee Somaliland, kaas oo lagu magacaabo (Swalim). Mashruucan ayaa waxa si wada jir ah u fulinaya hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan qarammada midoobay ee (FAO).

Mashruucan waxa kale oo fulintiisa qayb ka noqon doona, hay’ado ka tirsan Somaliland oo ay ka mid yihiin wasaaradaha Biyaha, Deegaanka, Beeraha, xannaanada xoolaha, Qorsheynta iyo hay’adda u diyaar-garawga aafooyinka.

Mashuruucan ayaa waxa Somaliland loo dhisayaa xarun lagu maamulo xogta maamulka dhulka iyo biyaha si loogu diyaar-garoobo aafooyinka dabiiciga ah iyo abaaraha soo noq noqda.

Waxa xafladaas hadallo ka jeediyey Eng Xuseen Ibraahin Buuni Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo horumarinta qaranka oo ka hadlay furitaanka mashruuca, ayaa uga mahad celiyay midawga yurub maal-galinta mashruucaasi.

Siidoo kale waxa halkaas hadallo ka jeediyay wasiirrada wasaaradaha biyaha, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, deegaanka, Shugri Xaaji Ismaaciil Bandare, Horumarinta beeraha, Axmed Muumin Seed, Xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, Xasan Cali Gaafaadhi, guddoomiyaha hay’adda u diyaar-garaawga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Faysal Cali Sheekh.

Masuuliyiintaasi waxay sheegeen in mashruucan maamulka khayraadka biyaha iyo dhulka ee ay Somaliland laga fulinayo waxana ay u mahad celiyeen midawga Yurub, iyagoo tilmaamay in mashruucaasi dabooli doono baahida Somaliland u qabtay mashruuc noocan oo kale ah, kaas oo lagaga faa’iidaysanayo khayraadka dabiiciga ah ee biyaha iyo dhulka.

Ugu damabayn wasaaradda horumarinata maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo mashruucaas si rasmi ah u furay, ayaa sheegay in mashurucani qiime weyn ugu fadhiyo Somaliland, si wada jir ahna fulintiisa iyo ilaalintiisaba la is-kaga kaashan doono.