Wada-hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Maalinta Berri Ah Ka furmaya Dalka Kenya Iyo Nuxurka Qodobada Laga Wada Hadlayo

0
569

Kulan hordhac u ah wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka kala socota labada dhinac ah iyo Bulshada Caalamka.

Dhinaca Somaliland: Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar.

Dhinaca Soomaaliya: Agaasimaha madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha Agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle.

Dhinaca Bulshada Caalamka: Danjiraha Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Somaliland-Somalia Olgan Bekar, Wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo Waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale.

Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).