Shan Sababood Oo Muujinaya In Aanay Somaliland Ka Qabsoomayn Doorashada Wakiilladu Sannadkan 2019-Ka

0
508

159 maalmood, ayaa ka hadhsan wakhtigii loo qorsheeyey in ay dalka ka qabsoonto doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ee dib u dhacu hadheeyey tan iyo 2010-kii oo ay ku eekayd muddo xilkeedkii ay shacabku doorteen.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo sagaal bilood ah u kordhiyey Mudaneyaasha Golaha Wakiillada 21-kii bishii January ee sannadkan, ka dib markii dib u dhac ku yimid wakhtigii hore ee loo muddeeyey Doorashada Wakiillada oo ahaa 29-kii March ee sannadkan aynu ku jirno.
Markale, ayaa waxa muuqata in dib dhac kale oo muddo sannad guddihii ah uu ku imanaya doorashada Golaha Wakiillada oo qorsheysan 13/12/2019, oo ay innaga xigto imika muddo lix bilood iyo sagaal maalmood ah, amma 159 maalmood.
Qabsoomida doorashadan, ayaa waxa weli ku gedaaman duruufo iyo khilaafyo keeni kara dib u dhac kale, kuwaas oo aanay weli muuqan xal lagaga gudbayo is-marin-waaga ka taagan doorashada.
Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, UCID iyo Waddani, ayaa iyagu si weyn isugu khilaaftan doorashadan, iyada oo arrinta xudunta u ahi khilaafka taagan uu yahay Komishanka doorashooyinka oo Xisbiga Waddani sheegay in ay kalsoonidii kala noqdeen, isla markaana aanay ogolayn in ay ka qayb galaan doorasho ay qabtaan Komishanka imika jooga, halka Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ay aamisan yihiin in ay dalka doorasho ka dhacayso wakhtigii loogu talo galay ee dabayaaqada sannadkan.
Haddaba, waxa aan halkan ku soo ururinay shan sababood oo keeni kara in doorashada Wakiilladu dib dhaco, kuwaas oo qaarkood xalintoodu wakhti iyo is-faham buuxa u baahan tahay.

1-Diidmada Xisbiga Waddani ee Komishanka jooga

Xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa sheegay in ay Kalsoonida kala noqdeen Komishanka doorashooyinka ee imika jooga, isla markaana aanay ka qayb galayn doorasho ay qabtaan.
22-kii bishii March ee sannadkii hore ayey caddeeyeen Waddani mowqifkooda Komishanka, iyaga oo dalbaday in la kala diro oo la soo magacaabo Komishan cusub, taas oo dhalisay dood sharci oo la xidhiidha cidda awoodda u leh in ay kala diraan, iyaga oo aan dhamaysay wakhtigii ay xilku ka dhammaanayey.
Go’aankan Xisbiga Waddani, ayaa waxa uu caqabad ku noqday qorshihii doorashada Wakiillada ee 29 March 2019-ka, iyada oo qodobkan iyo kuwa kale oo taagnaa keeneen in muddo kordhin la sameeyo sagaal bilood ah
Mowqifkan Waddani ka qaatay Komishanka oo weli taagan, ayaa ah qodob aan xal loo helin oo mar kale sababi kara in doorashada Wakiilladu baaqato, mana jiro wax tanaasulaad ah oo ay qodobkan ka sameeyaan Xisbiyadu, halka Xubnaha Komishanku ku adkaysanayaan in ay dhamaysanayaan wakhtigooda oo ku eeg 29/11/2019-ka.
Xisbiyada Kulmiye iyo UCID ayaa heshiisyo ay marar kale duwan kala saxeexdeen, waxa ay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin doorasho qabsoonta wakhtigii loogu talo galay oo ay Komishanka joogaa gadhwadeen ka yihiin, waxaanay kulamo dhawr ah la qaateen Guddida doorashooyinka, iyada oo Waddani ka maqan yahay madasha.

2-Wakhtiga gabaabsiga ah ee Komishanka

Xubnaha Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa wakhtigoodu gabaabsi ku dhow yahay, iyada oo uu dhamaanayo wakhti xiloodkoodu 29/11/2019-ka, waxaanay su’aalo badan ka taagan yihiin wakhtiga Guurtidu kordhisay, sheegtayna in ay doorasho qabtaan, in ay ku beegan tahay wakhti ay dhamaatay muddo xileedkoodu, inkasta oo ay Komishan ahaan awood u leeyihiin cayimaad wakhtiga doorashada, isla markaana ay muddeyn karaa ka hor inta aan wakhtigoodu dhicin.
Wakhtigan Komishanka ee is guraya iyo kalsooni kala noqoshada Xisbiga Waddani, ayaa keeni kara in mar kale ay dib u dhacdo doorashadu.
Komishanka, ayaa iyagu dhinacooda wada dedaallo iyo qaybo tirka wixii dhinacooda ah ee la xidhiidha doorashooyinka.

3-Diiwaan Gelinta Codbixiyeyaasha

Ka hor doorashada Wakiillada ee qorsheysan bisha 12-aad ee sannadkan, wax aka horreeya oo qorshuhu yahay in ay Komishanka doorashooyinku sameeyaan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, gaar ahaan dadkii aan fursada u helin in ay qaataan kaadhka codbixinta iyo weliba dadkii qaan-gaadhay muddadii ka dambaysay diiwaan gelintii hore.
Diiwan gelintan oo dhaqaale iyo farsamo u baahan, ayaa ka mid ah waxyaabaha caqabada ku noqon kara doorashada Golaha Wakiillada.

4-Saami qaybsiga iyo Xeerarka Doorashada

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan qabsoomida doorashada Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ah wakhtigan saami qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada oo ay cabasho ka muujiyeen qaar ka mid ah gobollada Somaliland, gaar ahaan gobollada Bariga iyo Galbeed,kuwaas oo sheegay in aanay diyaar u ahayn in ay ka qayb galaan doorasho ku salaysan qaabkii hore.
Siyaasiyiinta iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Awdal iyo Sool, ayaa muujiyey in qaabkan imika loo qaybsado kuraasta wakiilladu ay tahay mid caddaalad darro ah oo aan gobollada dalku u sinayn.
Qaddiyadan saami qaybsiga oo soo taagnayd muddo labaatan sanno ka badan, ayaan weli xal laga gaadhin, waxaanay imika culays ku haysaa Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa, madaama oo uu wakhtigii doorashaduna soo dhaw yahay.
Illaa imika ma jiro ifafaale muujinaya in xal laga gaadhay qodobkan ka mid ah caqabadaha doorashada.
Sidoo kale, waxa jira xeerar la xidhiidha kuwa doorashada Wakiillada oo iyaga aan la ansixin, balse hor yaalla Golaha Wakiillada.

5-Dhaqaalihii Dalalka Taageera Doorashooyinka Somaliland

Caqabadaha aynu kor ku soo xusnay ee ay ta komishanka ka taagani ugu horreyso, ayaa waxa ay keentay in aanay dalalka ka caawiya Somaliland dhinaca dhaqaalaha lagu qabto doorashadu, aanay weli soo shubin dhaqaalihii laga sugayey ee doorashada.
Dublamaasiyiin iyo xubno ka socda dalalkan oo Somaliland u yimid arrimaha doorashada, ayaa waxa ay dhinacyada isku khilaafsan doorashada u soo jeediyeen in ay xal kama dambays ah ka gaadhaan caqabadaha doorashada ka taagan, taasina weli ma muuqato.
Dalalkan waxa ay ugu hanjabadeen Somaliland in ay joojinayaan taageerada ay siiyaan, haddii aan xal la gaadhin, isla markaana aan doorashada la qaban wakhtigii loo qorsheeyey.
Si kastaba ha ahaatee, qodobbadan, ayaa ah caqabado hortaagan doorashada la filayo in ay sannadkan dhammadkiisa qabsoomaan, waxaanay qaarkood u baahan yihiin wakhti ka badan ka imika hadhsan.

Waxa Qoray: Saleban Hashi