Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Oo Soo Saarey Amar Uu Ku Mamnuucayo In Dalka Laga Dhiso Taawero Cusub

0
514

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland Cabdiweli Sheekh Suufi, ayaa soo saarey amar uu ku mamnuucayo in dalka laga dhiso Taawer cusub oo isgaadhsiineed, illaa ogolaansho laga helo Wasaaradda Isgaadhsiinta.

Wasaaraddu waxay sheegtay in arrintaas loo raaci doono nidaam wasaaradu u dejisay, iyadoo laamaha amaanku ay talaabo ka qaadi doonaan cidoo amarkaas u hogaansami wayda.

Halkan hoose ka akhriso warqad ka soo baxday xafiiska wasiirka oo soo gaadhay shabakadda wararka ee Somalilandtoday.